6DII JUUN “XASUUSTII RRA DHIBAATOOYINKII LOO GEYSTAY & GUULIHII AY GAAREEN”

21-11-2007 11:20

6DII JUUN “XASUUSTII RRA DHIBAATOOYINKII LOO GEYSTAY & GUULIHII AY GAAREEN”

21-11-200711:11

6DII JUUN “XASUUSTII RRA DHIBAATOOYINKII LOO GEYSTAY & GUULIHII AY GAAREEN”

Magaca RRA wuxuu la micno yahay “Rahwain Resisitance Army” oo loola jeedo Ciidamada Wax iska Caabinta Rahwein, sida magacaasiba kuugu cad waxaa la aas aasey Ururkasi kadib markii Rahweyn lagu soo duuley dhulkooda.

waxaa la’laayey Dad badan oo masaakiin ah, la boobey hantidii gaar ahaaneed iyo tii guud, la gumaadey shacabkii oo xuriyada loo diidey taasoo ay gaartay in dadkii la laayey Meydkooda loo diido in la aaso iyo Qof nool dhiig sida looga shubanayey uu u dhinto dhiigbax.

RRA waxaa lagu aas aasey Tuulada Jhaffey oo udhow Abees Garwaalle oo dhowr iyo 10-KM u jirto Baydhabo oo waagaas heystay cadowgii kusoo duuley Magaalada.

Waxaa Ururka RRA Aas Aasidiisa iska lahaa aqoonyahano Qowmiyada kasoo jeeda , RRA waxay isku soo shaac bixisey Hantideeda Dadka udhashay Qowmiyada haba u badnaadaanee Reer Miiga, oo aan ka xaqiranin RRA-da Xoolaha Nool iyo Masagada ay ayagu gacmahooda ku tacbadeyn, taasoo ay soo gaartay ilaa ay aduunkoo dhan ay caan kaga noqoto lagana yaabey awoodii ay laheyd RRA-da.
Tuulada Goofyerow oo Baydhabo u jirto dhowr KM ayaa laga abaabuley dagaalkii ugu horeeyey ee RRA Soo Qaada, Waxaana Dagaalkaasi Hogaaminayey Oo ciidamada Dagaal Gelinayey nin lagu Magacaabo Aw Eehan Samow ,waxaana rasaastii laga dagaamaley lagu soo iibiyey Xoolo Qaaraan ahaan laga aruuriyey Dadka Reer Baadiyaha Loo yaqaano ” Dhoola Dhaqatada”

Rasaastaas oo laga soo iibiyey Magaalada Muqdisho gaar ahaan dhinicii uu maamulayey Cali Mahdi , waxaa Rasaastaasi soo gaarsiiyey Ururkii RRA-da Gudi uu madax u ahaa Cali Aadan Xuseen “Cali Marguus “ waxaana rasastii lagu wareejiyey Ciidamadii markaasi dagaalka soo qaadi rabey oo uu hogaaminayey nin lagu magacaabo “Aw Eethan Samow” taasoo lagu fuliyey wixii loogu talagaley oo ahed in Salbalaar la tuso In Dhulka dadkii Lahaa ay Nool yihiin Duulaana soo Yihiin dagaalkaasina uu ahaa mid Bilow ah.

Dagaalkii labaad ee RRA Soo qaada waxa laga soo Abaabuley Tuulada Xaabare oo u jirta dhowr Km Waxayna aheyd xaabare meelaha sida aadka ah ay RRA looga Taageeri jirey ayaguna ka dhigan jireeg Gabaad maadaama ay Tuuladaasi Tahay “Stratigic”meel ku wanaagsan in ciidan ay saldhig ka Sameystaan.

waxaa dagaalkaasi RRA Looga diley tiro gaareysay 70 Ruux, waxaa dagaalkaasi lagu baaba’ay hogaaminayay dhinaca RRA-da niman ay kamid ahaayeen,Aw Eethan Samow, Sheekh Xuseen Dheere, Yuusuf Jaceyl, Ibraahim Roobow,Guurow Axmaar, waxyaabaha dagaalkaasi lagu xasuusto ayaa waxaa kamid ahaa in rag sidii ay u dagaalamayeen oo nolo inta lagu qabtay kadibna dhiig looga shubey dhaawacyadii isbitaalka Baydhabo yaaley ee Salbalaar ayna u dhintaan dhiig bax.

Waxaa kamdia ahaa ragii Marka dhiiga laga shubtay kadib meydadkooda lasoo dhigey Afaafka hore ee Xeradii ADC-da Marxuum Aadan Yerow,C/Shakuur iyo kuwo kale oo gaarayey tiradooda 7 ruux oo ahaa dagaalyahanadii RRA-da, Allaa Yraxma.

Saldhigyadii RRA ee Duulaanka Kasoo Qaadi Jirtay Waxay Kala Ahaayeen

1-Misqidh oo 38 KM U Jirta Deegaanka Abbal ee Bakool

dawao halkan video-arlaadi-RRA/

2-Saldhiga, Dhiil oo Bakool Ah

3-Saldhiga Xaabare Godkii Caydiid koofiyadiisa Iyo Ushiisa ay Ku Dhumeen.

4-Saldhiga Ceel-Doon oo ahaa meelaha ugu badan ee duulaanka laga soo qaadi jirey.

iyo Kii Ugu Dambeeyey ee Ahaa Qondhoob.

“Rahwain Resisitance Army” waxaa ugu horeysey meel ay qabsato Tuulada “ Duurey Eemed” waxaa xigay Degmada Qansaxdheere waxaa kusii xigey oo RRA aad ugu faraxday Qabsashadii Magaalada Xudur ee raxunta Gobolka Bakool oo ay ku qabsadeen Gaari caan ahaa oo Zuu ah kaasoo lagu magacaabi jirey “HOON YEERSHE” wuxuu ahaa gaarigaasi mid aad loogu laayey Muwaadiniintii RRA-da marka ay duulaan kusoo qaadaan Banaankii Hudur, waxaana gaarigaasi alahaa “Hoon” Dhawaaqiisu aad u sareeyey.

Guushaasi farxad Aheyd “Qabsashada Xudur waxaa xigtay Tii Labaad ee kasii farxada Badneyd waa tan aan maanta u dabaal degeyno 6-Juun waxayna aheyd maalintaasi maalintii Salbalaar laga sifiiyey Caasimadii Dhulka Azania”Baydhabo” wxayna Taariikh du aheyd maalintaasi 6/6/1999.

Taariikhda yaan La Ilaabin Waa Abowasharow oo idin Leh Wixii Khalad Ah oo aad ku Aragtaan Warbixintaan Iga Raali Ahaada , waxaana Ka codsan Lahaa Walalaha Wax Keydiya wixii Ku Saabsan Taariikhda RRA Ama Guud Ahaan QDM Fadlan iigu soo dira Cinwaankeyga oo ah.