ahmed takar

07-12-2012 19:42

Saddex garaad-laawe iyo hooyo gaajeysan
Ahmed A. Takar
takar77@hotmail.com
Almelo,Netherlands
Luulyo 03 2012

Aqristayaasha sharafta leh Maanta waxaan idiin soo gudbinayaa qiso dhab ah marka dhan laga fiiriyo ,misana duur-xulida oo dadban marka dhan kale laga fiiriyo ,taasoo ka turjumeysa waaqica dhabtaa ee soomaaliya, waxba yaanan idinku badin horu-dhaca ee aan idiin kala baxo idinka iyo sheekada.
Goobtu waa bartamaha magaalada MUQDISHO ee caasimada somaliyed ,goortuna waa subax jimce ah oo ku beegan bishii janaaayo ee sanadkan 2012 waqtigaas oo sida lawada xasuusto ahaa waqtigii abaarta iyo macaluusha badani ka jirtay soomaaliya hadaba qisadan ayaa waqtigaasi waxay dhex-maray HOOYO soomaliyeed oo dhowr iyo konton jir ah oo ka mid ah dadka usoo barakacay MUQDISHO taasoo ay ka muuqato macaluul iyo tabar-daro iyo SADDEX garaad-laawe oo xoogag waaweyn oo xaaraanta , xatooyada iyo xumaantaba meel sare ka gaarey .
Saddexdaan arxan-laawe oo si weyn saaxiibo u ahaa ayaa isugu yimid afaafka hore ee guri dadkii lahaa ka qaxeen oo dhinac ka bur-bursan oo ku yala xaafad ka mid ah xaafadaha caasimada muqdisho, is bariidin kadib ,haddii lawada fariistay oo nin waliba ka sheekeeyey mishinkii amase fal-dambiyeedkii uu xalay soo fulieyey , iyadoo mid waliba kan kale ugu faanayo inuu isagu kaga dheereeyo ugana faro-dhuuban yahay sida wax loo dhaco ,wax loo dilo amase wax leysu daba-mariyo ,ama wax loo fara-xumeeyo.
Iyadoo xaalkoodu halkaas marayo ayaa waxaa kusoo baxday hooyo waayeela oo diif iyo darxumo badani ka muuqato ayna usii dheer tahay gaajo oo socodkuba dhib ku yahay markey aragtay raggaan meesha fadhiya ayey kusoo leexatay iyadoo quud-darayneysa iney gargaar iyo garab ka hesho waxayna ku biloowday hadalkeeda oo si nuxuus uga soo baxayey:”wiilasheydiyoow wax ii dhiiba in ilaahey wax idiin dhiibo”
Saddexdii arxan-laawe oo gacmahoodu aanay u baran iney dad wax taraan iney dilaan mooyaane , dhagahooduna aanay maqal wax dhiibid ,waxay dhacaan mooyaane , indhahooduna aanay arag wax la dhiso ,iney dumiyaan mooyaane.
Ahmed A.Takar
Cabbaar haddii leys fiir-fiiriyey ayey qaateen go,aan aad u fool-xun oo hooyada dhibaateysan aysan kaba filan, go,aankaas oo daba socda doodii iyo faankii dhexdooda ahaa inteysan kusoo bixin hooyadan (quraacda raadineysay ee iyada lafaheeda lagu qadeeyay ) waxay isku raaceen saddexdii mujrim iney duqda ku kala baxaan oo nin waliba soo bandhigo burhaantiisa iyo belaayada uu kan kale dheer yahay iyadoo halka tijaabada (show-ga) ay ku sameynayaana uu yahay hooyo waayeela oo duruuf iyo daniba ay biday in subaxaan saaka ah saddexdan garaad-laawe ee ay arxanka iyo ehelnimada soo biday.
Garaad-laawe kowaad: ayaa soo istaagey una soo dhaqaaqay dhankii duqda isagoo gownaxyada buuraya kuna leh saaxiibadiis : bal fiirsada waxaan dhigo, hooyadii waayeelka aheyd oon dareenba qabin ayuu ku bilaabay feer iyo haraati markii gacmihii daleen ayuu hadana inta bur u qaatay dhulka la dhigay . oo inta saaxiibadiis dib ugu noqday ku yiri haye , maxaad aragteen , mase idiku jiraa nin sideyda oo kale ah
Garaad-laawe 2 :ayaa isna markiisa soo joogsaday isagoo raba inuu show-ga halkiisa kasii wado iskana bareejeeyo arxan-laawii ka horeeyay, wuxuu isa soo dul-taagey duqdii oo natu kasii baxeyo afka iyo sankana dhiig ka socdo markaasi ayuu inta dhar dhigtay bilaabay inuu fara-xumeeyo amase kufsado, isagoo leh saaxiibayaal maxaad aniga iga taqaanaan ,bal saan yeelay ka warama
Garaad-laawe 3: oo doorkiisii la gaaray ayaa soo dul istaagay duqdii waayeelka ahey oo mar hore naftu ka baxday , intuu si aad ah u qoslay ayuu yiri labadiinaba waxba meydaan sameyn aniga qof ila mid ahi adduunka maba jiro ,xagga xagga damiir xumada iyo dadnimo xumadaba .. bal ka warama qoftaan aad sidaan horteyda ku yeesheen ma og tihiin iney hooyadii i dhashay tahy… THE END
Waxaa laga yaabaa in qaar badan oo naga mid ah uu goob-joog u ahaa amase uu maqlay qisooyin badan oo tan la mid ah oo ka dhacay soomaaliya dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay
Fasiraada qisadan:
Haddaan fasiraad dheeri ah ka bixiyo hooyada dhowr iyo konton jirta ah ee diifta iyo gaajadu heyso waxaa laga wadaa ciidda iyo calanka soomaaliyeed, arxan-laawayaasha amase saddexda garaad-laawena waxaa loola jeedaa hogaamiyaasha iyo siyaasiyiinta isku heysta madax-nimada soomaaliya muddo 21 sano ka badan, iyadoo waxa meesha yaal ay yihiin dad baaba,ay iyo dal bur-buray.
Ugu dambeyn aqristayaasha sharafta leh ayaan u deynayaa iney u kala magacaabaan siyaasiyiinta iyo musharaxiinta iyo hogaamiye diimeedyada amase hogaamiye kooxeedyada Soomaaliyeed doorka ku haboon ee mid waliba ka jilayo qisadaan gaaban …hadaan si kale u iraahdo keebaa no.1 ah keebaase 2 ah amase 3 ah ?
Ahmed A.Takar
takar77@hotmail.com
Almelo,netherlands
 
Tags: ,
 
 
10 Responses for “Saddex garaad-laawe iyo hooyo gaajeysan. W/Q Axmed Takar”
  1. Puntlander says:
    Very good article. Marka kale oo aad qiso midaan lamida aad soqorto waxad kudartaa sadaxda maan laawayaal. Kuwa Ayana damiirka lahayn oo kuwaas maan laawayaaeha ah dhiig & maalba kutaageeray oo Ayana damiir laawayaaeha ah…
     
  2. Haad says:
    Faroole no.1
    Sakiin. no. 2
    Afguduud no. 3
     
  3. saabir takar says:
    mansha allah adeer ahmed adam takar runtii isha ayaad ka tuurtay runtii waana qiso dhab ah oo ka hadlaysa waa qicca iyo arinta dhabta ah ee ka jirta wadankena.. illah hakju sharfo adeer and thanks wacyi galintaaada iyo dareensiintaada..
     
  4. Raaligeliye Soomaaliyeed says:
    Garaad-laawe 1 = Ahmed A.Takar
    Garaad-laawe 2 = Ahmed A.Takar
    Garaad-laawe 3 = Ahmed A.Takar
    Why ? Waxaa dhaqan xumo ah ama xaaraan ah in aad shaqsi walaalkaa ah u gaftid .
    Ahmed A.Takar ha moodin in aan kuu gafayo ee waa iga waano. U R Welcome