AMNESTY OO WAR KASOO SAARTEY GO'AANKII KENYA.

22-12-2012 13:25
War ay soo saartay Amnesty international shalay oo jimco ahayd ayeey ku sheegtay wax Sharci darro ah Go’aanka dowladda Kenya ee Cadaadiska ay ku saareyso Soomaalida waddankaasi kunool.
Amnesty waxa ay tilmaamtay in ay tahay wax aan la qaadan karin in iminka Soomaalida degan wadankaasi dhamaantood ay isugu uruuraan Xeryaha qaxootaga xilli la ogyahay dhibaatada iyo dan darrada ka jira xeryaha dalkaasi Kenya
 
Inka badan 630 kun oo qaxooti Soomaali ah ayaa ku xareysan Xeryaha qaxootiga dhadhaab ee dalkaasi Kenya ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty halkaasi oo hey’addu tilmaamtay in ay ka jirto nolol aan aad uwanaagsaneen
 
Amnesty international ayaa carabka ku dhufatay in aan loo baahneen in lagu xiro arrin ammaanka ku shuqul leh dad qaxooti ah oo dalkaasi soo gaaraya
 
Khabiir sare oo ka tirsan Hey’adda Amnesty international oo ku sugan Bariga Afrika ayaa waxa uu sheegayaa in Kenya looga baahanyahay in kala sooc ay ku sameyso dadka iyagoo dhibaateysan yimid dalkaasi iyo kuwa kale ee amnigeeda caqabadda ku ah.
 
Go’aanka dowladda Kenya ay ugu dhawaaqday in ay dib ucelineyso Soomaalida Xeryaha qaxootiga dalkaasi ayaa waxaa ka soo horjeestay dad aad ubadan kuwaasi oo ku tilmaamayay mid aan wanaagsaneen.