BAYDHABO JANAAY WAA MAGAALO NOOCEE AH

21-11-2007 11:27
BAYDHABO JANAAY WAA MAGAALO NOOCEE AH
Magaalada Baydhabo waa magaalo istiriaatiji ah oo 275 KM dhanka konfur galbeed kaga beegan Caasimada Muqdisho waxayna magaalo madax u tahay Gobolka Baay halkaasi oo sedexdii sano ee ugu dambeeyay ay aheyn meel ay ku xooganaayeen Xarada Al-shabaab ee dhowaan lamidoobay Al-Qacida..
Baydhabo waxay ka koobantahay 4 xaafadood oo kala ah Isha, Horseed, H/wadaag iyo Bardaale kuwaasi oo iyana ukala baxa laamo iyo magacyo ugaar ah.
Magaalada Baydhabo waxa lagu tiriyaa inay kamid tahay magaalooyinka dalka ee ugu isbedbedlka badan, waxayna soo martay marxalado kala duwan lagasoo bilaabo 1991-ki xiligaas oo ay burburtay dowladii dhexe.
Dagaaladii ahliga ahaa ee dalka ka dhacay Baydhabo iyo shacabkeedaba waxay ku reebeen saameynta ugu xoogan waxayna galaafteen boqolal dadka deegaanka ah tasoo ay usiidheertahay Abaarihii kala duwanaa ee soo maray dadka oo iyaguna sababab looga dhigi karo dagaalada ka dhacayay deegaanka markii ay kusoo duuleen jabhadihii hubaysanaa ee dalka ka jiray kuwaasi oo horey iyo gadaalba ay uga dhexdagaalameen bulshadaasi.
Markasta oo magaalada Baydhabo wax xoogaa horumar gaarto waxaa ka dhaca dagaal ama waxaa qabsada koox tusaale
1994 magaalada waxay sifiican uga soo kabsatay abaarti ugu xumeyd iyo colaadii mudada ay ku jirtay waxay gaartay heer loogu yeero halve London waxaa markiiba qabsaday Jabhadii uu hogaminayay Caydiid iyo ciidamadii Oromada ee isgarabsanayay,
markii laga xureeyay jabhadaasi kusoo duushay ee ay lawareegeen Ururukii RRA waxay noqotay magaalo nabadii iyo horumarkii kusoo laabatay waxaa hadana madaxa laysu geliyay isla RRA-dii dhexdeeda oo lookala qeybiyay Tuhun iyo Torabora dhamaadkii 2002-di, waxaana markale burburay nabadii iyo horumarkii udada kooban laheystay.
26 Febraayo 2006-dii Baydhabo waxaa loo doortay inay noqoto Xaruntii Barlamanka KMG ah magaalada waxaa ka bilowday sida caadadu ku tahay markay xooga nabad hesho inay horumar gaarto, waxaa magaalada ka bilowday mashaariic iyo dhismooyin bilicdii ayaa dib usoo laabatay, markii meel fiican horumarku uu gaaray Baydhabo waxaa qabsaday Xoogaga Al-shabaab 26 Janaayo 2009-kii markii ay halkaasi isaga baxeen cidamadii Ethiopia oo xiligaasi garabsiinayay dowlada KMG ah oo saldhig u ahaa magaalada Baydhabo.
Hada 3 Sano oo ay Alshabaab maamulayeen Baydhabo waxaa markale hantay oo gacantooda kusoo laabatay ama qabsaday Ciidamadii Maamulka Gobolka Baay oo kaashanaya Ethiopia, saadashu ayaa waxay u muuqataa in Al-shabaab uu gabalkeeda sii dhacayo ayna weynayaan taageeradii badnaa ee bulshada u haysay taasi oo sabab looga dhigi karo kubiiritaakii Al-Qacida iyo iyagoo dagaalo uga furanyahay dhinacyo badan taasina awoodooda ay sii daciifnayso.
Hadaba maxay tahay muhiimada Byahabo ay leedahay ?
•Waa magaalo Bad iyo Webi aan toona marin hadana ah magaalo qani ku ah nimcada Eebe siistay ee wax soosaarka Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha, waxay leedahay Isha Baydhabo oo ah meelo biyo badani ay kazoo burqadaan iyadoo beeraleyda Qudaarta soo saara ee baydhabo ay isticmaalaan biyahaasi Isha.
•Waxay leedahay wadooyin muhiin u ah isku xirka Gobolo, degmooyin ilaa heer dalalkale sida Ethiopia iyo Kenya
•Baydhabo waxaa ku yaala Garoon Diyaaradeed oo lagu tiriyo inuu kamid yahay garoomada ugu waaweyn ee dalka oo ay isticmaali jireen Ciidamadii Cirka Qeeyntooda 60-aad markii loo arkay inay istiraatiji tahay wuxuuna garoonkaasi awood u leeyahay in sidoo kale ay isticmaali karaan diyaaradaha waaweyn ee xamuulka.
•Badarka ama Masagada kabaxda guud ahaan Gobolka Bay waxaa lagu tilmaamaa in uu daboolikarto baahida Gobolo badan oo dalka ka mid ah hadaanay wada kaafin Somalida oo dhan.
•Dadka ku dhaqan magaalada ayaa ah dad nabadeed oo markasta u hogaansama cidii ula tagto inay maamulyihiin taasina waa mida markasta keenta in jabhad ama koox kasta isku daydo inay qabsato