Dowlada Cusub oo ka maarantay Wasaaradii Waxbarashada Maadama Dalkii ay qabsadeen Aqoonyahano wax soo baraty

05-11-2012 08:58

Waxaa dad badan layaab ku noqoaty markii ay aqriyeen Liiska Golaha Wasiirada Cusub ee Soomaaliya ,kaa oo laga waayay dhoor Wasaaradood oo muhiim ahaa jiritaanka umada Soomaaliyeed .

Wasaaradaha laga reebay Xukuumadan Cusub waxaa kamid ah Wasaarada Waxbarashada ,iyo Wasaarada Caafimaadka iyo Wasaardo kale oo muhiim ahaa kuwaa oo gabi ahaan daaqada laga saaray.

Dad badan ayaana isweediinaya sababaha ka dambeeya in Wasaaradahan Muhiimka ah laga tago iyadoona bulshada ay fasiraad kala duwan ka bixiyeen ujeedka ka dambeeya in laga tilaabsado oon lasoo magacaabin Wasaarado Muhiim ahaa.

Dad b adan ayaa hadal haya sababta ka dambeysa in Wasaarada Waxbarashada laga tago ay tahay in rag Aqoonyahno ah ay qabsadeen taladii dalka gaar ahaan kuwa Magaalada ku leh Jaamacado iyo sidoo kale Iskuulada Waxbarasho daladahoodana la wareegayaan Howlihii Wasaarada Waxbarashada sidaana looga maarmay Wasaarada Waxbarashada.

Wali si rasmi ah looma shaacin sababta Wasaarada Waxbarashada oo Muhiim ah looga saaray Liiska Wasaradaha Cusub ,dad badan ayaana shaki galinaya in Wasaaradaasi reebitaankeead laga leeyahay dano qarsoon aan wali la fahmi Karin.

Dad kale waxa ay qabaan in Wasaarada Waxbarashada iyo Caafimaadka ,Haweenka iyo Wasaarado kale laga soo qaaday kuwa aan micno laheyn laguna soo koobay Hal Wasaarad oo lagu magacaabo Wasaarada Hormarinta adeega bulshada oo loo Magacaabay Drs. Maryama Qaasim Axmed.

Xukuumadan Cusub uu Hogaamiyo R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa wax badan ka badalan Xukuumadihii hore ee Soomaaliya iyadoona Xukuumadan tahay mid aad u tiro yar lagana reebay Wasaarado badan oo Muhiim u ahaa Bulshada.