FAFAAHIN DHEERAD AH DUQEYN XALEY LAGU GARAACEY MUQDISHO.

22-12-2012 13:23

Kadib markii xaley qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho duqeymo laga geystay ayaa waxaa duqeyntii xaley fafaahin kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashey iyadoo sidoo kale Gudoomiyaha Degmada Warta Nabada ay ka hadashey arintaasi.

Gudoomiyaha Degmada Warta nabada Gobalka banaadir Deeqo C/qaadir oo la hadashey mid ka mid ah Idaacda Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay iney aad uga xuntahay duqeynta xaley loo geystay Degmada ay gudoomiyaha ka tahay.
 
Waxaana ay tilmaantey in madafiicda ay ku dhaaceen Guriyo ay degan yihiin dad rayid ah,hase ahaatee waxaa ay sheegtay in Maamo ay ku geeriyootey caruur ay dhasheyna dhaawac halis ah kasoo gaartey duqeynta.
 
mar ay ka hadleysey halka laga soo tuurey Mafaadiicyada ayaa waxaa ay sheegtay iney laga soo tuurey dhanka Degmada Deyniile ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya.