Fowziyo Yuusuf "Somaliland iyo Somalia labadaba waa ka dhaxeeya, waa dadkeyga iyo dalkeyga"

05-11-2012 17:56

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ku tilmaamtay xilka loo magacaabay fursad weyn oo suura gelin kara in wada hadalada Somaliland in la sii ambaqaado.

Mss Fowziyo wareysi siisay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay xilka Wasiirka loo magacaabay oo ahaa booskii ugu sareeyay ee Haweenka Soomaaliyed ay ka helaan dowladda Soomaaliya markii u horeysay.

"Aad iyo aad ayaa ugu faraxsanahay, dareenkeygana uu aad u sareeyaa, labada boos ee qaaliga ah mas'uuliyada la i saaray, oo ay ii igmadeen Madaxweyne Xasan iyo Ra'isul Wasaare Saacid, waxa weeye Mas'uuliyad culus, Alle hadii uu ila garab galo waxaan hubaa inaan ka soo bixi doono"ayay tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan Wasiirka cusub ee Arrimaha dibada ahna Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay inay muddo 12-sano ka soo shaqeysay arrimaha dibada, isla markaana aqoon iyo qibrad u leedahay, waxaana ay intaa ku dartay inay horay ugu soo shaqeysay Wasaaradaha Arrimaha dibada Mareykanka, Ruushka iyo Jarmalka.

"Wasaarada Arrimaha Dibada 12-sano ayaa ka soo shaqeeyay waxaan u leeyahay aqoon dheer, xilal badan ayaa ka soo shaqeeyay, wadamada waa weyn sida Ruushka, Mareykanka iyo Jarmalka, waa wasaarad aan hubi hadii Wasaarad ley geyn lahaa taan dooran lahaa mar walba aqoon aan u leeyahay iyo qibrad"ayay tiri Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in xiriir waa weyn la leedahay Beesha Caalamka iyo Hey'adaha Qaramada Midoobey, isla markaana ay ku kalsoon tahay inay soo celin karto xiriirkii Soomaaliya la laheyd caalamka.
Mar wax laga weydiiyay Somaliland oo ay u dhalatay iyo xilka loo magacaabay ee Wasaarada Arrimaha dibada ayaa ku jawaabtay in Somaliland ay dadkeeda yihiin, Soomaaliyana ay dal iyo dadba la wadaagto, ayna u dhaxday.

"Somaliland waa dadkeyga, Soomaaliya waa dadkeyga, waa dalkeyga labadaba waa ka dhaxeeya, in alle igu guuleeyay kii halkaa ka maqnaa xiriirka horay u bilowday in lagu guuleystay, wax weyn baan ka qaban karo labada garab wada hadalka u bilowday"ayay tiri Marwo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Marwo Fowziyo ayaa dhowr bilood ka hor Xisbi siyaasadeed ay furatay ay ka reebeen Gudiga diiwaan gelinta Somaliland, markii ay buuxin weyday shuruudaha, waxaana sanadii 2003-dii ay noqotay musharax madax banaan oo isu taagtay Madaxtinimada Somaliland.

Magacaabisteeda ayaa loo arkaa inay u gogol xaareyso wada hadalada ugubka ah ee u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo ay ambaqaaday dowladdii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh