GABAY LOOGU TALO GALAY XUSKA MAALINTA 6-JUNE OO AH MAALINTII RRA LA WAREEGTEY BAYDHABA JANAAY

21-11-2007 11:18

 

GABAY LOOGU TALO GALAY XUSKA MAALINTA 6-JUNE OO AH MAALINTII RRA LA WAREEGTEY BAYDHABA JANAAY

Gabeygaan waxaa Qalinka iyo warqada u qaatey Abwaan Nuuradiin Gacma, kaasoo maanta kala qeyb qaadanaya Walaalaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Xuska Maalinta 6-da juun.
Hisbiya ii leega

SYL Hogaanshoo

baa Haayteenaa

Huwun kastabaa

DIGIL IYO MIRIFLE ing Horeytey

may Hilmaanteena

ambo Howo ley

taawiya Haaytaan?

Hadal mabuuyoow

Haang soomaaliya

Hordhang ing ertey

Howl qobod ley

Hormar laga derey

may Hilmaanteena

ambo Howo ley

taawiya Haaytaan?

Halyeeyadii RRA

dalka Ha hurooyiba

Hilibkin ka roogee

Hor may siin diidii

reed ley ing Haataan,

may Hilmaanteena

ambo Howo ley

taawiya Haaytaan?

hadalko ertiba

Hiila galeeya

afko Habogan

Habshan saaran

Hisaabtan laanga

may Hilmaanteena

ambo Howo ley

taawiya Haaytaan?

misga Hoo latuma

Heethis yaa fedaase

Hilibkoo intii eena

meeloo Haku jeedna

wiligana inis huraana

may Hilmaanteenaa

ambo Howo ley

taawiya Haaytaan?

Hurnimada markii

soomaali Heli ii

Hada la roogooba

Helis laantiisaa

dadka unku Herney

may Hilmaanteenaa

ambo Howo ley

taawiya Haaytaan?

Hor waaba diidenaa

reed ley Haadasaana

ambo dad Haasid’e

Humaan ley jeel

intii noo Hor rogaan

may Hilmaantenaa

ambo Howo leey

taawiya haaytaan?

Hanraab ii ariir

Hilow yaa in qaba

uno o Hogaamiyal’e

soomaali Hormuud ing;e

Hindhooshoo saaraan

may Hilmaanteenaa

ambo Howo ley

taawiya Haaytaan?

Hagii loo yahaayeen

marwalba inti Helaano

dhulshoo Hanagsadaa

Hamiig ii Hiraaba

qalbishoo ka Haayaan

may Hilmaanteena

ambo Howo leey

taawiya Haaytaan?