Golaha Ammaanka iyo Uganda oo ka wada hadlaya go'aanka ay Ciidamadeeda ula baxeyso

05-11-2012 17:57

Golaha Ammaanka iyo Qaramada Midoobey ayaa wada hadlaya go'aanka dowladda Uganda ugala baxeyso Ciidamadeeda dalal ay ku jirto Soomaaliya, halkaasoo howlo nabad ilaalin u jooga.

Afhayeen u hadlay Uganda ayaa sheegay in wafdi ka socda Xukuumada Uganda ay kala hadli doonaan Golaha ammaanka cabashada Uganda ee warbixinta Koox Qubaro Qaramada Midoobey ka tirsan ay ka soo saareen in Uganda ay taageerto falaagada M23 ee dalka Jamhuuriyada dimowraadiga Congo.

Uganda ayaa si aad ah uga carootay warbixintaas, iyadoo sheegtay inay dib u eegis ku sameyneyso Ciidamadeeda ku sugan dalalka Congo, Afrikada Dhexe iyo Soomaaliya oo kumanaan askari ka joogaan.

Wada hadalka dhex mari doona Golaha Ammaanka iyo Qaramada Midoobey ayaa wada hadaladooda ku saabsan sidii Uganda ay uga laaban laheyd go'aankeeda ay ugala baxeyso Soomaaliya.

Wasarada Arrimaha dibada Uganda ayaa xubnaha golaha amaanka ku wargalisay in ay ka laabtan go’aanka ay koox qubaro oo ka socda QM ay ku eedeyen Uganda in ay taageero u fidiso falaagada ka dagaalanta Bariga Congo ee M2