Gudoonka Baarlamaanka oo Xukuumada Cusub u calaamadeeyay Waqtiga la horkeenayo Baarlamaanka si codka

05-11-2012 09:01

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isagu goob joog ka ahaa xafladii shalay lagu magaacabay Golaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay R/Wasaaraha in golaha Wasiirada uu horkeeno Baarlamaanka.

Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tilaabo hor mar leh oo lagu farxo ku tilmaamay Magacaabista Golaha Wsaiirada Soomaaliya waxa uuna xusay in Golaha Wasiirada looga Baahanyahay R/Wasaaraha in la horkeeno Baarlamaanka mudo ku eg 2- Isbuuc gudahood.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sooamaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay Golaha Wasiirada ee lagu dhawaaqay in aysan isku qaadan in ay yihiin Masuuliyiin balse looga fadhiyo samatabixinta umada Soomaaliyeed ee mudo ka badan 20-Sano dagaalo iyo dhibataooyin kale daris la ‘ ahaa.

Xukuumada uu Hogaamiye R/Wasaare Saacid ayaa noqoneysa Xukuumadii ugu tirada yareed ee lasoo dhiso iyadoona ay jiraan dad badan oo soo dhaweeyay iyo kuwa dhaliilay waxaana inta badan isha lagu hayaa marka Xildhibaanada la horgeeyo Golaha Wasiirada Codka kalsoonida diidma ama ogolaanshiyaha loo qaado Golaaha Wasiirada Cusub