Jaaliyadda Dalka Ingiriiska oo Taageertay Maamul u Sameynta Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya

21-11-2012 12:24

Jaaliyadda Dalka Ingiriiska oo Taageertay Maamul u Sameynta Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya

Waxaa sabtidii shalay ee bishuna ahayd 17/11/12 lagu qabtay Magaalada London ee Boqortooyada dalka Ingiriiska shir ay isugu yimaadeen Jaaliyada ka soo jeeda gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Shirkaas oo si habsami leh loo soo abaabulay waxaa ka soo qayb galay Mas’uuliyiinta Maamulka Jaaliyada Koonfurta Soomaaliya oo ka Koobnaa Gudiga Fullinta iyo Kan Odayaasha iyo sidoo kale Marti Sharaf lagu Casuumay Shirka.

Shirkaas waxaa aad loogu taageray Samaynta Maamul goboleed ka kooban Lixda Gobol ee kala ah Shabeelaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Gedo, Baay iyo Bakool.

Injineer Saalax Sheekh Cismaan oo kamid ah Aqoonyahanada Beelaha Koonfurta Soomaaliya oo Shabakada Ishabaydhaba.com waydiisay su’aal ahayd sida uu u arko Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu sheegay in aan waxba kajirin maamulkaas uuna yahay mid ku dhisan Xaaraan oo beelha Koonfurta Soomaaliya anan quseynin Maamulka Jubbaland waa sida uu hadalka u yiri.

Sidoo kale Afhayeenka Jaaliyadda Koonfurta Soomaaliya Mustaf Sheekh Maxamed oo markii uu kulanka soo gaba gaboobay la hadlay Ishabaydhaba.com ayaa waxa uu isagana ka hadlay ra’iga ay ka qabaan Maamul goboleedka Jubbaland ee looga dhawaqay Magaalada Nairobi.

“ Jubbaland waan maqalnay in la sameeyay, hayeeshee ra’iga aan anaga ka qabno beel ahaan iyo deegaan ahaan, bataatanba waa midaan jirin” sidaasi waxa yiri Afhayeenka Jaaliyada Koonfurta Soomaaliya Mustaf Sheekh Mad Midow.

Gabagabadii shirkaas oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen dhamaan Mas’uuliyiinta Jaaliyada iyo Marti Sharaf ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen;-

1) In si buuxda loo taageero ka Maamul u samaynta Lixda goboll

2) In samaynta maamul goboleedkan uu noqdo mid waafaqsan Dastuurka Federaaliga ah ee ay Soomaaliya ku dhaqmayso

3) In Maamul u samaynta gobolladaan aysan lid ku Noqon Beelaha Walaalaha ah ee wada dega Gobolada Koonfurta Soomaaliya

4) In Urur Goboleedka IGAD uu Joojiyo Faragilinta uu ku hayo Arrimaha Gobolada Koonfurta Soomaaliya

Ma’uuliyiintii isugu Yimid Shirka shalay ayaa Waxay Kala ahaayeen:-

1. Malaaq Mohamed Abdullahi Abdiow

2. A/llahi Maolim Abdi

3. Ali Hassan Osman

4. Mohamed Nur Sh. Abdullahi

5. Osman Mohamed Hassan

6. Inj. Mohamud Hussein Aliow

7. Ugas Kassim Dinki Abdow

8. Abasheekh Abuu Mudhir

9. Musdhafa Sh. Maadmidow

10. Sh. Aden Moalim Aliyou

11. Ilyaas Saciid Cali

12. Caydruus Max’ed Cabdoow

13. Abdi Aden (Abdi Dheere)

14. Aden Ali Bulle

15. A/Rashid Xaji Xasan

16. Amaal Max’ud Max’ed Aden (Faash)

17. Imaan Mohamed Imaan

18. Ax’ed Osman Duuble

19. Moh’ed nur Mohamed Habiib

20. Issaq Ibrahim Ali

21. Ibrahim Aden Abdi (Gamaas)

22. Yasin Max’ed Osman

23. Ax’ed Xaji Sulayman Isse

24. Hussen Ali Hussen

25. Inj. Salax Sh. Osman

26. Suldan A/llahi Sh. Osman

27. A/kadir Xasan Cabdoow

goofgaduud.webnode.com

laysamo@hotmail.com