Madaax kataqaan Madaxweynaha Aduunyada ugu Faqiirsan iyo Nolosha uu kunoolyahay (Daawo Sawiro yaab leh)

05-11-2012 21:58

Iyada oo inta badan madaxda Caalamka ay u tartamayaan sidii ay u kordhin lahaayeen mushaaraadkooda una siyaadin lahaayeen Daqligooda ayaa madaxweynah wadanka Urugway waxaa uu noqday nin ka duwan sida ay u dhaqmaan madaxweynayaasha Dalalka Caalamka oo inta badan qarashaadkiisa iyo mushaarkiisa bilaha ah ku bixiya Tabarucaad uu siiyo Dadka Danyarta ah.

Madaxweynaha Wadanka Urugway Jose Mujica ayaa 90% kiiba waxaa uu ku bixiyaa Tabarucaad uu ufidiyo dadkiisa waxa uu mushaarkiisa ku bixiyaa tabarucaadaas una sii marsiiyo ha`adaha Samafalka, si loogu aqoonsado Madaxweynaha ugu Faqiirsan madaxda caalamka Caalamka, iyo ninka uu deeqsisan madaxweynayaasha caalamka.

Jose Mujica oo ah 76 jir ayaa ayaa waxaa uu ku noolyahay guri yar isaga iyo xaaskiisa wixii ka danbeeyay Bishii Maarso ee sanadkii 2010, waxaana la nool xaaskiisa Losiya Tobolaski oo ka mid ah Golaha Deegaanka Dalkaasi , iyadana waxaa ay qeyb ahaan tabaruc u bixisaa Mushaaraadkeeda.

Wareysi ay la yeelatay Madaxweynaha Jariirada Almowanda Dhawaan ayaa waxaa uu ku sheegay in shayga ugu qaalisan uu haysto uu yahay Gaarigiisa ( Folax) , waxaan uu intaasi ku daray in uu mushaar ahaan u qaato 12 kun iyo 500 oo doolar Nafsadiidana uu ka isticmaalo 1,250 doolar oo kaliya inta kalana uuTabarucaad ku bixiyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay lacagta uu nafsadiisa ukaydsaday ay tahay mid Kaafisa Noloshiisa waxaan aan ku noolahay ayuu yir nolol wanaagsan , oo qaar badan oo ka mida bulshada Dalkiisana ay yahiin kuwa aan haysan intaasi oo kale.

Wabsiteka Yahoo News ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweynaha uusan lahayn Xisaabaad Bangiyeed , iyo Deemo laga qabo, waxa uu rajaynayana marka ay u dhamaato Xiliga uu xukunka hayana ay tahay in uu si nabab galyo ah ugu noolaado Beertiisa.

Mudada uu xilka Hayo Madaxweynaha Dalkaasi Mujica ayaa waxaa hoos u dhacay Nambarka Musuqmaasuqa sida ay sheegeen hay`ado caalami ah ee , Madaxweyanhaasina waxaa uu leeyahay Ujeedada ugu way nee laga rabaa Madaxweynayaasha Caalamka waa in ay Bulshada u adeegaan.