Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in aan cid loogu roonaanin magacaabista Golaha Wasiirada

05-11-2012 18:00
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan cid loogu roonaanin magacaabista Golaha Wasiirada, kadib markii shalay Ra'iisul Wasaaraha uu ku dhawaaqay 10-Wasiiro.

Isagoo ka hadlayay Munaasabada ku dhawaaqista Golaha Wasiirada oo shalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay taariikh cusub oo wax badan ka duwan sidii hore, waxaana xukuumadan uu ku tilmaamay mid lagu soo xulay, karti, aqoon iyo hufnaan.           ahmed takar

"Maanta Taariikhda wax badan Soomaaliya horay uga dhicin ayaa halkan ka dhacay, Xukuumadan cusub waxay taariikhda dowladnimada Soomaaliya ka geli doontaa meel qaas ah, anaga ma jirin cid aan ugu roonaaneyn, mana is dhihin inta kaliya ayaa Soomaaliya ugu fiican"ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Baarlamanka inay tixgeliyaan, taariikhda cusub iyo is bedelka Xukuumadan si ay kalsoonida ugu hesho.

"Waxaan rajeynayaa in Baarlamaanka isagoo tixgelin doona taarikhdaas, is bedelkaas iyo cuseybkaas inuu garab istaagi doono, Xukuumada kalsoonidiisa uu siin doono"ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xukuumada cusub ee Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay ambaqaado howlaha horyaala, sidii ay wax uga qaban laheyd, arrimaha ammaanka, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga iyo arrimo fara badan