MAXAY TAHAY 6-DA JUUN, RRA, IYO ONLF & SALBALAAR ?

21-11-2012 11:21
MAXAY TAHAY 6-DA JUUN, RRA, IYO ONLF & SALBALAAR ?
Taariikhdu waa Baal Dahab Ah ma duugowdo weligeed ee laakiin waxay u baahan tahay dad qora ama sheeg sheega si markasta ay u ahaato wax markaasi la joogo oo kale.
6da juun waxay tahay waalin xusid iyo xasuus ka mudan umada degta Koonfur galbeed soomaaliya gaar ahaan deeganadii ay xooga ku heysan jireen Maleeshiyaadkii Caydiidkii Geeriyoodey ee garabka ka helayay Jabhadii Oromada.
Salbalaar iyo jabhadii Oromada ee ONLF waxay Qabsadeen Baydhabo maalin Axad ah waa berigii oo ay taariikhduna aheyd 17/September/1995 tii.
Waxay ka geysteen , Bililiqo, dhac, kufsi, dilal, dhaawacyo, jirdil, gumaad iyo guri gubitaan mii iyo magaalo aan loo kala reebin.
dawao halkan video-arlaadi-RRA/
 

Markii ay Jabhadahaasi Baydhabo qabsanayeen waxaa baydhabo ka jirey Maamul loogu magacdarey May-Niing Dang Eh, oo madax ka ahaa Abukaati Hassey, kaasoo xiligii magaalada Caydiid soo galayey safar ku maqanaa.        

Maalintaas ay ay jabhadahaasi qabsadeen magaalada Baydhabo waxaa durbadiiba gaashaanka u daruuray rag ka damqaday sida damiirxumida ah ee Jabhadii Oromada iyo Salbalaartii Ceydiid ay ugu soo duuleen dhul nabad ah oo barwaqada iyo hormarkeeda ay sii bulaalyeen dowlad Goboleed curdun ah ay kasoo ifbaxaysay, iyadoo islamalinkiiba dagaal ka bilowday bartamaga magaalada.
dagaalka maalinkaas ka dhacay magaalada Baydhabo waxay jabhadihii soo duulay u adeegsadeen hubka intii ay helikarayeen taasi oo dhalisay khasaaro lixaadleh islamarkaana sababtay inay ku basbeelaan hanti farabadan iyo dhismooyin suuqba Baydhabo ku yaalay.
waxaa sidoo kale dhibaatooyinka ay geysteen jabhadadaasi kamid ahaa inay afduubteen dhamaan shaqaalihii Hayadaha Ajnabiga ah ee baydhabo kusugnaa iyagoo madaxfurasho ka qaatay markii dambe iyo dhac ay u geysteen Gaadiidkii hayadaha iyo kuwii dadweynaha intuba.
Somalida horey ayay u maalmaahtay wixii rag yiri ragbaa diiday, taaso oo aheyd hadii Ceydiid iyo Jabhadii Oromada ay damacsanaayeen inay xoog ku qabsadaan dhul iyo umad barwaaqeysan uma cuntamin ee rag baa ka diiday oo duurka isku soo abaabulay sidii mar un looga xurayn lahaa jabhadahaasi.
Inta aan RRA lagu dhawaaqi waxay kulamo muhiim ahaa ku yeesheen Ragii waxgalka ahaa Magaalada Xudur ee caasimada gobolka Bakool kuwaasoo durbaba isku balan sadey iney isugu tagaan Tuulada Jhafay ee duleedka Degmada Berdaale Gobola Baay si RRA magacii aha dadka loogu dhaadhiciyo looguna dhawaaqo.
Ka hor inta aan magaasi lagu dhawaaqin waxaa Baydhabo lagu wadey Arbushaad oo uu hormuud ka ahaa Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ay si weji ka weji ah isku dagaaleen Caydiid markii uu baydhabo qabsadey oo is arkeen koox uu abaabuley.
Dagaalka Baydhabo ma wadin cid gooni ah waxaa ku jiro dhalinyero badan oo qaarkood ka imaadey baadiyaha Bakool iyo hareeraha magaalada Baydhabo.
23 Oktobar 1995 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqey Magacii RRA oo lagala tashey ka hor inta aan lagu dhawaaqin Allaha u naxriistee dad uu u horeeyey Max’ed Aadan Zoobe.
Waxaa ugu muhiim sanaa dadkii Gobjooga ka ahaa ku dhawaaqistii magacii RRA
Asxaab ay kamid yihiin
1-C/Laahi Boonow
2-Malaaq Mukhtaar Malaaq xasan
3-Sheekh Cali Food cade
4-Proff. Heerow
5-Cali Marguus
6-C/Laahi Aadan Axmed “ Black”
7-C/ Nuur Maxamed Cali “ Booda Dheere”
8-Xaaji Mubaarak
9-Mad Ebbda Ma Mayow2 TALL”
10-C/Raxmaan Shiino
11-Coll, Shaati Gaduud
12- Abuukar Jabiiq
13-Sheekh Biyaadir
14-Eeylow
15-Macalin Mukhtaar Bidix
16-Xaabsade
17-Sheekh Abuukar iyo Saraakiil kaloo badan.
Isla 23 ka Octobar 1995 tii maalinta lagu dhawaaqey Rahwein Rasistance Army” RRA “ waxaa lasameeyey gudiyo shaqada bilaabaya waxaana hogaanka Jabhadaasi loo doortey Coll. Xasan Maxamed Nuur Shaati Gaduud , iyo kuxigeenadiisa Sheekh Aadan Madoobe, Xaabsade Iyo Sheekh Abuukar.
Gudiga Logisticada waxaa hogaan looga dhigey C/laahi Aadan Axmed Black oo markii dambe loo magacaabey gudoomiyaha Gudiga siyaasada, Macalin Mukhtaar Bidix kuxigeenkii Difaaca, Taliyaga Dagaal gelinta Aaga Baydhabo Coll. C/raxmaan Shiino.
Wixii intasi ka dambeeyey waxaa la bilaabey Ku dhufo oo ka carar oo aan kala go’laheyn taasii dabadhilifyadii Salbalaar ay ku micneeyeen RRA oo aan la aqoonin waxa loola jeedo, ROORNEY RAFAADNEY AMUUDNY “ halka kuwii ku qanacsanaa Arbushaadyadii ay sameyn jireen RRA ayaguna jeebkooda ka fasirtrrn magaca oo ay yiraahdeen RAGA RAADINTA AYDIID, “RRA” laakiin magaca waa RAHWEIN RASISTANCE ARMY .
Saldhigyadii RRA waxaad ku arki doontaan Taxanaheena dambe iyo qaabkii dagaalada loo qaadi jirey , RRA meesha ay dhaqaalo ka heli jireen, halka loo soo marin jirey iyo ujeedkooda waxa uu ahaa, bal aan dhageysano C/Laahi Black gudoomiyihii gudiga siyaasada RRA oo markii dambe Xildhibaan ka noqdey Dowladii C/qaasim ilaa tii C/laahi Yuusuf.