Nin Booliis ah oo xaaskiisa dab qabadsiiyay (muxuu kumaagay? Qiso dhab ah oo maalin kahor dhacday)

05-11-2012 08:59

Nin police ah ayaa xaasikiisa dab qabadsiiyay kadib markii muran ay kabadisay iskuna dayday in ay xadido oo rabitaankeeda uun uu kushaqeeyo

Abul Hasan oo ah askari katirsan Booliska dalka Afganistan ayaa waxa uu dab qabadsiiyay mid kamid ah xaasaskiisii oo lagu magacaabo fatima kadib markii ay udiiday in uu galo guur kale.

Haweeneydaan oo aheyd xaaska labaad ee Abul Hasan ayaa waxa ay ishortag kusameysay in seygeeda uu guursado haweeney sedaxaad taas oo isagana kudhiiri gelasay in uu dab qabadsiiyo, waxaana gabadhaasi dabku uu gubay 90% jirkeeda iyada oo hada lagu daweynayo Isbitaal kuyaalla gudaha dalkaasi gaar ahaa Karachi.

Ninka police-ka ah ayaa dafiray in uu xaskiisa gubay isaga oo ku waramay in uu gurigaba kamaqnaa marii ay gubaneysay.

Arintaan ayaa waxa ay tahay mid layaab leh waxaana ay tahay mid si aad ah uga bedelan dhaqanka Soomaalida oo iyaga lagu yaqaan in haweenku ay ragooda gubaan kadib marka ay maseyraan