qisadaan waxaa soo diyaariyey ahmed takar Al-shabaab: saddex xaalo kuu daran

05-11-2012 22:14

Ugu horreyn aan salaamo shabakada caalamigaa ee  Marka xiga akhristayaasha sharafta leh idinkuna waad salaaman tihiin.

1. Haddii la dagaalo kuu daran o si degdega ayaad u dareeri ogtihiin Taasina waa mid ay ku caan baxeen Al-shabaabku iney durbadiiba jaanta rogtaan markii ay arkaan ciidan si dhab ah ugu soo duuley weliba ciidamada itoobiya iyadoo markay u soo jiraan ugu yaraan 50 km cagaha wax ka daya .. iyagoo ku af-gobaadsada eelad dagaal baan uga baxnay.. tusaale waxaa kuugu filan .. waqtigii maxkamadaha islaamiga iyo weliba waqtigaan xaadirkaa (Beledweyn,Bay,Bakool) waa yaabe waan jihaadayaa iyo markii colku 50km iisoo jiro ayaan cararayaa ma labo is-qaban kartaa? aaway naftooda haligayaashii aad ku qarxin jirteen dadka somaliyeed ee maatadaa iyo ardeyda aan waxba galabsan , maxay isugu qarxin waayeen ciidamada itoobiya ee ay u carareen?

2.Haddii la doodo kuu daran o culimadiinaa damiino ah Tani waa markhaati ma doonto waayo waxaa culimo iyo mufti idiin ah ragga leh: qofkii xamar ula qaxa naftiisa iyo caruurtiisa waa Gaalo.. amase waxaa culimo idiin ah kuwa leh :alxamdu lilaah waxaan qarxinay ardey iyo odayaal maqaayad fadhiya.. amase kuwa hore idiinku xalaaleeyey dhiigga aqoon-yahanka ,wax garadka iyo culimada somaliyeed .

3.Tan dambe iyo aakhirana kuu daran o dadkaad dishey baa laguu qaban Tani waa tan ugu qatarsan ee khasaare adduun iyo mid aakhiro kulansatay,waayo qofka ku dhabar jabay adduunka camal aan diinta islaamka ku saxneyn ,hadana isla toosan ee u qaba inuu yahay awliyo ilaahey u doortay barakicinta ,arga-gixinta, iyo weliba laynta dadka somaliyeed ee muslimiintaa ,gaar ahaan weliba kuwooda biri-ma -geydadaa ..sida ardeyda ,culimada,aqoon yahanka ,iwm aayadaha quraanka ee ku jira suuratul kahfi ayey ku taal: waxaad dhahdaa ma idiin sheegaa kuwa khasaaro badan xagga camalka.. waa kuwuu dhumay camalkoodu nolosha adduun iyagoo isuna malayn inay camal wanaagsan qabanayaan. Waana tan lagu duceysto : ilaahoow ceeb adduun iyo cadaab aakhiro hanoo kulmin.. Qalinkii:Ahmed A.Takar

 

Ma soo gaadhey gaban aabihiis gaal ku oranaaya?

tixdan aadka u gaaban waxa igu dhaliyey
inan tiriyo anigoo tix-raacaya gabeygii:
MASOO GAADHEY GAAL IYO WADAAD GAAR U WADA TAAGAN
kaasoo kusoo baxay qaar ka mid ah mareegaha somalida

masoo gaadhey gaban aabihiis gaal ku odhanaaya


1.masoo gaadhey wiil gabana oo caalim garab taagan
2.masoo gaadhey gado yaab leh iyo culimo gaaleynta
3.masoo gaadhey shiikh gafuurka xidhoo aan la garaneynin

4.masoo gaadhey godane iyo mansuur oo is wada gaadi
5.masoo gaadhey al-qaacida oo goysa taladeena
6.masoo gaadhey gurboodkiyo ardada gumacyo loo dhiibo
7.masoo gaadhey guri nabada oo qarax la gaadhsiiyo

8. masoo gaadhey garaadlaawe wada gaadhi miineysan
9. masoo gaadhey dad aan waxba galabsanoo lagu gumaadaayo
10.masoo gadhey gurigii ilaah oo la gabawerayo
11.masoo gaadhey madax gorofsan iyo dhiigga gobo,leyn


12.masoo gaadhey gowraca dadkiyo qoor la kala gooyo
13.masoo gaadhey gaajo nimey dishoo baangad lagu gujeynaayo
14.masoo gaadhey odey soo gotoo ilmada gabax ka siinaaya
15.masoo gaadhey gaban aabihii gaal ku odhanaaya

16.masoo gaadhey qubuuraha gar-weyn lagu garaacaayo
17.masoo gaadhey gaangester jihaad inaku guubaabin
18.masoo gaadhey rakaabkaa bombada lagu gig siinaayo
19.masoo gaadhey geeska afrikoo yurub u goodinaya
20.masoo gaadhey calankan ayan sudhi moosko gudaheeda