sheekh uqtaar

04-11-2012 19:47

       

Sheekh Muqtaar Maxamed Xuseen wuxuu ku dhashay Tuulada Caasha Gaabo ee gobolka Baay, wuxuuna si fiican u bartay Qur’aanka Kariinka, wuxuuna taasi ku muteystay in loo Aqoonsado ama la siiyo darajada loo yaqaan Sheekh, wuxuuna si aad ah u bartay Culuumta Diinta Islaamka.Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Muqtaar Maxamed Xusseen wuxuu markii uu dhamaystay waxbarashadiisi dhinaca Diinta u suurtagashay in uu ganacsade noqdo, isla markaana Bakhaar ka furtay magaalada Xudur ee gobolka Bakool isaga oo markii dambana bakhaar kale oo weyn ka furtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay intii uusan siyaasadda ku soo biirin ka hor.

Waxyar ka dib markii la dhisay Somali Youth Club ee markii dambe isu badellay Somali Youth League ama ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan horraantii sanadkii 1943-dii ayuu ka mid noqday Sheekh Muqtaar Maxamed Xusseen, wuxuuna madax ka noqday gobollada Koofureed ee Soomaaliya ee la oran jiray Alta Jubba.

Sanadkii 1956-dii waxaa loo doortay in uu xubin ka noqdo Baarlamaankii ugu horreeyay ee ay yeeshay dalka Soomaaliya ee la oran jiray Somali legislative Assembly isla markaana ay dalka maamulayeen maamulka maxmiyadda ee dalka Talyaaniga ee lagu magacaabi jiray United Nations Trusteeship of Italy.

Dowladdii Ra’iisul wasaare C/llaahi Ciise Max’ud waxaa loo doortay in uu noqdo wasiir ku xigeenkii wasaaradda caddaaladda & arrimaha diinta.

Mar kale ayaa sanadkii 1959-kii dib loogu doortay in uu ka mid noqdo Golihii sharci dejinta ee dalka Soomaaliya intii aan xorriyadda la qaadan ka hor, markii xorriyadda la qaatay ka dibna wuxuu ka mid noqday xubnihii golihii Baarlamaankii ugu horreeyay ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967-dii waxaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyihii Golihii Baarlamaanka ee dalka Soomaaliya.

15-kii bishii Oktoobar sanadkii 1969-kii ka dib markii la dilay Madaxweyihii hore ee dalka Soomaaliya Dr. C/rashiid Cali Sharmaarke waxaa uu muddo gaaban noqday Madaxweyne KMG ah.

21-kii bishii Oktoobar 1969-kii markii ay ciidamada qalabka sida afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegeen talada dalka waxaa lagu xukumay xabsi guri, dhowr sanadood ka dibna wuxuu dib u helay Madaxbannaanidiisii qofeed.

Wixii intaas ka dambeeyay wuxuu bilaabay in uu Tacbado Beer uu ku lahaa Magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna Maanta ku Geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo Cimrigiisana uu hada ahaa Boqol jir.

Wixii Warbixin iyo Taariikh intaa dheer ee ku saabsan Marxuum Sheekh Mukhtaar Maxamed Xuseen Dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa Insha’Allaah