Sir Culus oo ku saabsan suntii lagu shubay bada Soomaaliya oo kashifay wariye u dhashay Dalka Faransiiska(Daawo Muuqaal ahaan)

27-11-2012 22:37

Sir culus oo ku saabsan suntii lagu shubay bada Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inuu kashifay wariye u dhashay dalka Faransiiska oo baaritaan qoto dheer ku sameeyey sida ay wax u dhaceen iyo cidii ka dambeysay suntaas lagu duugay bada Soomaaliya.

sir culus oo ku saabsa suntii lagu shubay bada somalia ka daawo

Ka dib dhulgariirka bada ee sanadkii 2004 ayaa waxaa bada Soomaaliyeed ka soo caariyey haamo waaweyn oo aan la aqoon waxa ay yihiin iyo waxa ku jira laakiinse u muuqdo sunta qatarta ah ee lagu aasay bada dalka Soomaaliya iyadoona dadka Soomaaliyeed ee ku noolaa degaanada lagu aasay Suntaas ay ilaa mudo dheer isku arkayeen cuduro aan horey looga aqoon degaanadaas oo ku cusub, haamankaas soo caariyey ayaa qaar waxay ahaayeen kuwo wali xiran halka kuwo kalena ay furmeen oo wixii ku jireyna ay bada ku dhex yaaceen.

Hadaba baaritaan qoto dheer oo uu sameeyey wariye u dhashay dalkaas Faransiiska oo lagu magacaabo Paul Moreira ayaa waxaa uu ku kashifay sir badan oo ku saabsan sida suntaas loogu shubay Soomaaliya iyo cidii ka dambeysay arintaas, iyadoona uu ninkaas sheegay inay suntaas ay ku daadiyeen bada Soomaaliyeed koox ay ka dhexeysay wada shaqeyn oo ayna ugu waa weynaayeen afar ruux oo kala ah nin u dhashay dalka Talyaaniga oo lagu magacaabo Ezio Escaglione oo ah qunsul sharafeed uu u magacaabay madaxweyne Cali Mahdi, Guido Garelli oo ahaa nin ku taqasusay sunta warshadaha , Giancarllo Marrochino oo ah nin ku suganaa magaalada Muqdisho oo la shaqeynaayey ciidamada dalka Talyaaniga ee ku sugnaa magaalada Muqdisho islamarkaana la lahaa xiriir wanaagsan dagaal oogayaashii ka jirey Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, afartaas qof oo kaalmaeysanaayo shaqaale kale ayaa waxaa la sheegay inay door weyn ku lahaayeen suntii lagu shubay bada dalka Soomaaliya.

Haweeney wariye oo u shaqeyneysay telefishinka TG3 ee dalkaas Talyaaniga oo lagu magacaabo Ilaria Ailpi oo u tagtey Soomaaliya inay ka soo waranto ka bixitaanka ciidanada dalka Talyaaniga ee ku sugnaa Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay inay maqashay in dowlada Talyaanigu ay ugu deeqday kaluumeysato Soomaaliyeed maraakiib kaluumeysi iyadoona la sameeyey shirkad lagu magacaabo Shifco, laakiin haweeneydaas ayaa shaki ka muujisay inay maraakiibtaas lagu kaluumeysto maraakiibtaas ayaa si joogto ah isaga goosha wadamada Yurub iyo Soomaaliya laakiin baaritaan ka dib ayaa waxay haweeneydaas ay ka ogaatey haweeney Soomaali ah inay jirto suntaas lagu qubo bada Soomaaliya si ay arintaas wax uga ogaatana ay xiriir la yeelato qaar ka mid ah maamulayaasha maraakiibtaas oo ku sugan magaalada Boosaaso halkaas oo ayna kula kulantey mid ka mid ah maamulayaasha maraakiibtaas oo lagu magacaabo Boqor Muuse iyadoona codsi ahaa inay haweeneydaas wariyaha ah ay arki karto maraakiibtaas uu u diiday ninkaas asagoona kula kaftamay ma waxaad tahay jaajuus waxaad maqashay oo qura ka hadal laakiin haweeneydaas ayaa ku jawaabtey hadanan arkin ma rumeyn karo asagoona ugu jawaaabay ninkaas hadii aad rabto inaad aragto maraakiibtaas isticmaal satalaaytka oo arag, laakiin nasiib daro haweeneydaas ayaa waxaa uu ahaa wareysigeedii ugu dambeeyey kaas iyadoona ku soo noqoshadeedii magaalada Muqdisho lagu dilay halkaas iyada iyo kaamiriistaheediiba fal u muuqdey mid qorsheysan oo looga soo horjeeda baaritaankeeda ay faraha la gashay ee ku saabsan suntaas lagu shubayey xeebaha dadlka Soomaaliya, iyadoona arinta la yaabka leh ay tahay in dilkii haweeneydaas uu ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee soo gaarey goobtaas ninka lagu magacaabo Giancarllo Marrochino oo ka mid ah raga lagu tuhunsan yahay ku lug lahaanshahiisa suntaas lagu shubay dalka Soomaaliya asagoona walibana goobta uu dilkaas ka dhacay ka sheegay inuu ahaa dil qorsheysan oo haweeneydaas lala beegsaday.

 

Ezio Escaglione oo ah ninka uu madaxweyne Cali Mahdi u magacaabay qunsul sharafeedka ayaa waxaa la sheegay asagoo ka faa'iideysanaayo xilkaas inuu ku wareegi jirey magaalooyinka dalka Talyaaniga gaar ahaana waqooyiga dalkaas Talyaaniga ee ku caanka ah warshadaha asagoona weyndiin jirey hadii ay jirto sun laga fogeynaayo islamarkaana qiimo jaban oo raali galiya u sheegi jirey inuu uga qaadi doono suntaas waayo caadi ahaan suntaas ayaa waxay warshadahu ku tahay qaali marka ay si sharciyeysan looga qaadaayo, sida ay cadeeyeen qaar ka mid ah milkiilayaasha warshadihii uu booqday ninkaas qunsul ku sheega ah oo u waramey weryahaas Faransiiska ayey ku sheegeen inuu ninkaas la soo xiriirey oo uuna weydiiyey hadii ay jirto sun laga qaadaayo nooc walba ay tahay iyadoona uu mar walba xooga saaraayey ninkaasi inuu helo qashin badan oo suntaas ah si uu uugu buuxasamo markabka arintaas oo keeni kartey ilaa iyo hal malyuun oo doolar markasta oo uu buuxo markabkaas lagu daaniyaayey qashinka uu wado xeebaha dalka Soomaaliyeed, Sidoo kale ayaa waxaa arinta ninkaas cadeeyey teleefoono laga duubay xiilli uu la hadlaayey dad uu kala dhexeeyey qorshahaas lagu aruurinaayo iyadoona teleefanda qaarkood laga maqlaayey sida uu ninkaas diyaar ugu ahaa xataa inuu u soo raro sunta nuclearka ee radio active dalka Soomaaliya asagoona sheegay inuu awood buuxa ka heysto madaxweynaha Soomaaliya taas oo runtii ah qatar aad iyo aad ugu weyn dadka iyo dalka Soomaaliyeed, weriyahaan Fransiiska oo dhamaan ragaas wareystey islamarkaana hor dhigey cadeymahaas ayey dhamaatood ragaasi inkireen iyadoona madaxweyne Cali Mahdi oo xiligaas ku sugnaa Nairobi ee dalka Kenya uu diiday wereysiga weriyahaas islamarkaana sidoo kale uu dafirey inuu ku lug lahaa arintaas laakiin sida muuqato ninkaas howshaas kala waday ee lagu magacaabo Ezio Escaglione ayaa waxaa lagu magacaabay qunsu sharafeed dekreeto madaxweyne oo uu ku saxiixan yahay Cali Mahdi, Sidoo kale ayaa asagana ninka lagu magacaabo Giancarllo Marrochino uu asagana inkirey arintaas asagoona ku tilmaamay arintu inay ahayd hab ay lacag ku cunayeen oo ayna warshadaha uga qaadaanayeen lacag laakiinse aysan wax fal ah oo ku saabsan arintaas aysan sameyn jirin asagoona meesha ka saarey in Muqdisho wax sun ah lagu shubey laakiinse uusan ka warami karin waqooyiga Soomaaliya, Laakiin ninka lagu magacaabo Guido Garelli ayaa wariyahaas si buuxda ugu cadeeyey in sun nooc walba leh lagu shubay oo lagu aasay bada Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina iyaadoo run ahaantii ay arintaas tahay mid qatar weyn ku ah dadka dalka Soomaaliyeed ayaa sida ay warbixintu sheegtay uu madaxweyne Cali Mahdi uu ku lahaa lacagta soo xarooto 35% lacagtaas oo run ahaantii ah mid raqiis ah oo aan lagu iibsan karin nolosha qowmiyad dhan ee aad ka soo jeedo, iyadoona sida uu sheegay ninka lagu magacaabo Andreas Bernstorff qabiir jJarmal ah oo ku taqasusay sunta kiimikada ah islamarkaana hogaaminaayey qorshe lagu baaraayey haamamhaas ku soo caariyey xeebaha Soomaaliyeed inuusan waligiis arkin wax noocaan oo kale ah in ka badan 20sanadood oo uu ku dhex jirey howshaan asagoona ku sheegay inay tahay qatar weyn islamarkaana aan lahayn wax raad raac ah dadkii falkaan geystey ee ka macaashay shilimaadka yar ee ay jeebka gashteen ayaa si xoriyad leh u xaragoonaayo iyadoona dhibaatadii ay u geystaan dad badan oo Soomaaliyeed ay wali taagn tahay.