su,aal iyo jawaabo qoraal

08-12-2012 16:02
84 Suáal: Immisa Jis ayuu ka kooban yahay Quraanku?

Jawaab: Quraanku wuxuu ka kooban yahay soddon (30) jis.

85. Suáal: Immisa Suuradood ayuu ka kooban yahay Quraanka Kariimka ahi?

Jawaab: Quraanka Kariimka ahi wuxuu ka kooban yahay 114 suuradood.

86. Suáal: Immisa aayadood ayuu ka kooban yahay Quraanka ?

Jawaab: Quraanku wuxuu ka kooban yahay 6236 aayadood.

87. Suáal: Suuraddee ayaa Quraanka ugu soo hor degtay?
 
Jawaab: Waxaa ugu soo hordegtay Suuratu-Calaq (Al-Iqra) weliba shanta aayadood ee ugu horreysa.

Tiirka 4aad (In Rasuullada la rumeeyo)

88. Suáal: Waa maxay rumeynhta Rasusha Alle?

Jawaab: Rumeynta rususha Alle waa tiir ka mid ah lxida tiir ee iimaanka. Qofka rumeyn waaya rususha Alle dhammaantood ama mid ka mid ah, waa gaal mana noqonayo muumin.

89. Suáal: Rumeynta Rususha Alle maxaa soo hoos gelaya?

Jawaab: Rumeynta rususha waxaa soo hoos gelaya qodobadaan:

1. In la rumeeyo in ummad walba Alle u soo diray Rasuul ugu baaqayey in Ilaahay kelidii la caabudo (tawxiidka), lagana tago wax kale oo la caabudo (Shirkiga). Rusushaas oo soo wada gudbiyey wixii loo soo direy, aynana beddelin, waxbana aanay ku darin waxbana ka dhimin.

2. In si gaar ah loo rumeeyo ciddii magaciisa laynoo sheegay sida Nebi Muxammed, Nebi Ibraahim, Nebi Muuse, Nebi Ciise iyo Nebi Nuux. Kuwa magacyadooda aynaan garanayna duuduub ayaa lagu rumeynayaa.

3. In la rumeeyo Qisooyinka iyo wararka Nebiyadaas ku saabsan ee saxiixa ah.

4. In aynu ku dhaqanno sharciyada Nebigii innaga laynoo soo diray ee ka mid ahaa rasuullada, waana Nebi Muxammed (scw).

90. Suáal: Nebi iyo Rasuul ma isku mid baa?

Jawaab: Rasuul iyo Nebi waa isku mid guud ahaan laakiin wax yar ayey ku kala duwanyihiin. Rasuul kastaa waa Nebi. Laakiin Nebiyada qaar ayaan Rasuullo ahayn.

91. Suáal: Maxay ku kala duwan yihiin Nebi iyo Rasuul?

Jawaab: Nebiga lagu soo dejiyey kitaab gaar ah ee loo diro inuu faafiyo kitaabkaas waa Nebi Rasuul ah. Laakiin Nebiga la faro inuu sii faafiyo kitaab hore loo soo dejiyey laguma sheegayo Rasuul ee waa Nebi keliya.

92. Suáal: Maxay iskaga mid ahaayeen Rasuullada Alle?

Jawaab: Rasuullada Alle waxay iskaga mid ahaayeen in ay dadka ugu baaqayeen tawxiidka Eebbe oo ah in Alle cibaadadaada loo keli yeelo, caqiido ahaan iyo camal ahaanba, isla markaana la beeniyo waxkasta oo Alle
sokadii la caabudo.
 
1-Su’aal Sheeg ruuxii ugu horeeyay ee qoray Bismillaahi Raxmaani Raxiim?
Jawab: Waxaa weeye Nebi Suleymaan Cs.

2-Su’aal Sheeg ruuxii ugu horeeyay ee Islaamnimo ku Shahiida?
Jawab: Waxaa weeye Yaasir Bin Camar Rc.

3-Su’aal Sheeg gabadhii ugu horeysay ee Islaamnimo ku Shahiido?
Jawab: Waxaa weeye Sumaya.


 
4-Su’aal Sheeg ruuxii dillay Sumaya Rc?
Jawab: Waxaa dillay Abuu Jahal.

5-Su’aal Sheeg magaca baarlamaankii ama xaruuntii ay ku shiri jareen Kufaartii Qureysheed?
Jawab: Waxaa la-oran jiray Daarul Nadwa.

6-Su’aal Sheeg magaca ninkii dillay Cumar binu Khadaab Rc?
Jawab: Waxaa la-oran jiray Abuu Lu’lu Al Majuuz.

7-Su’aal Sheeg magaca ninkii dillay Cali Bin Abii Daalib Rc”
7-Jawab: Waxaa la-oran jiray C/Raxmaan Bin Muljin.

8-Su’aal Sheeg goorma ayuu soo Islaamay Khaalid Bin Waliid.
Jawab: Wuxuu soo Islaamay bishii Safar sanadkii 8-aad ee Hijriyada.

9-Su’aal Sheeg labada Asxaabi marka ay ku dhex jiraan asxaabta Nebiga laga aqoonsan jiray?
Jawab: Waxaa weeye Cumar Binu Khadaab Rc iyo Khaalid Bin Waliid, waxayna ahaayeen labadii asxaabi ee ugu xooganeed Asxaabta Nebiga “NNKH”.

10-Su’aal Sheeg asxaabigii afaraad ee hogaanka ciidamadda Muslimiinta u qabtay dagaalkii weynaa ee Mu’ta?

Jawab: Waxaa weeye Khaalid Bin Waliid Rc, wuxuuna hogaanka uu qabtay markii la-dillay Zeyd Bin Xaarith, Jacfar Bin Abii Daalib iyo C/Laahi
 
423:sheeg tirada kutubada samaawiga ah?
 
J:waa: 5kutub
424:sheeg magac boqorkii kusoo duulay kacbada ?
J;waa; abrah
425:imisa bilood ayey kadanbeysay faadumo nebiga(s.c.w)?
J;waa;6bilood
426:qof sooman ayaa wax cunay waxna cabay soonkiisana majabi sababta sheeg?
J;waa;sabatu wuu iloowsanaa
427:sheeg bishii ayfuteen muslimiinta maka?
J;waa;bisha ramadaan
428:sheeg inta billo ay muslimiitu utukanaayeen qilada beytul maqdis?
J;waa:18ama 17bilood
429:sheeg adeegihii kacbada furaheed heynjiray?
J:waa: cismaan binu dhalxa
430:sheeg ama keen tusaale labo saxaabi muhaajiriin iyo ansar oo la walaaleeyey?
J;waa:tusaale waxaa nooga filan walaaleytii cabdiraxmaan coof oo muhaajirahaa iyo sacad binu rabiica oo ansaar ahaa
431sheeg inta sano ay dhisaneyd boqortooyadii nebi suleymaan?
J;waa;40_sano
432:sheeg nin tukanaayo ayaa leefay ey dabadiisa hadaba ninkaasa salaadiisa majabtay?
J;waa;maya sabvatoo ah eyga waxaa uu leefay dabadiisa ma usan leefin qofka tukanaayey dabadiisa
433:sheeg waxaa lagu yirahdo af-soomaali saliga salaada lagu tukado ee laga sameeyo maqaarka?
J;waa:Masali.
434:sheeg qofka markuu dhinto seddaxda waxyaabood ee raaca?
J:waxaa aan raaci waaxay kalayihiin :-
a)maalkiisa
b)ehelkiisa
d)camalkiisa ehelkiisa iyuo maalkiisa way kazoo laabtaan waxaa kuxaro camalkiisa
434:sheeg eygii galay jinada?
J;waa:eygii asxaabul kahfi
435:sheeg umada aan aabe mooyee aan awoowe aan lashayn?
J:waa: ilmo aadam
436:sheeg nebigii laqay xuudka?
J:waa:nebi yunis
437:sheeg qof aan aabe iyo hooyo toona lahayn ?
J:waa:nebi Aadam
438:sheeg nebigii loogu soodijiyey towered?
J:waa;nebi muuse
439:sheeg nebigii loogu magacdaray hooyadiisa?
J:waa:nebi ciise
440:sheeg dadkii loodiray nebi saalax?
J:waa:reer thamuud
 
halkaan waxa idinkugu soo gudbinaaya su'aalo iyo jawaabo

su'aal. sheeg goorma ayey u dabaal dageen muslimiinta ciidul fidriga?
jawab. waxay u dabaal dageen sanadkii labaad ee hijriyada.

su'aal. sheeg asxaabiga kaliya ey magaciisa quraanka lagu sheegay?
jawab. waa zeyd bin xaarith rc.

su'aal. sheeg asxaabigii sunta cabay hadana eysan waxba ka dhibin?
jawab. wuxu ahaa khaalid bin waliid rc.

su'aal. sheeg Haweentii ugu horeesay ee ka shahiida islaamka?
jawab. waa sumeya bintu qiyaad.

su'aal.sheeg goorma ayuu abuu bakar sadiiq (rc) qabtay qaliifnimada ? imisa ayuu haayey?
jawab wuxuu qabtay markii uu geeriyooday nabiga (nnkh) wuxuuna haayey 2 sano iyo Dhowr bilood.

su'aal. sheeg asxaabiga aan wiligiis tukan.kana mid ah ahlu janada?
jawab. waa camar bin taabit rc.

su'aal. sheeg asxaabigii arkay malaa'iigta ayadoo soo dagayso xili uu quraanka aqrinaayey?
jawab. waa useyd bin xudeyr rc.

su'aal. sheeg asxaabiyadii ugu horeesay ee dishay qof gaal ah?
jawab. waa safiya bintu cabdi mudalib rc. oo eheed nabiga (nnkh) eedadiis.

su'aal. sheeg maxaa ugu qeyr badan raaxada adduunka?
jawab. waxa ugu qeyr badan raaxada adduunka xaas wanaag oo saalixad ah.

su'aal. sheeg asxaabigii hogaaminaayey dagaalkii yarmuug?
jawab, wuxu ahaa khaalid bin waliid rc.

su'aal. sheeg kuwii u sujuuday alle qeyrkiisa, isla markaana mudiciin ah?
jawab. waa malaa'iigta markii uu alle amray iney u sujuudaan nabi aadan cs.

su'aal. sheeg suurada halmar soo wada degatay iyadoo dhameystiran?
jawab. waa suuradda ancaam.

su'aal. sheeg qaadimkii nabi muuse cs?
jawab. waa yuushac.

su'aal. sheeg asxaabigii hogaaminaayey dagaalkii mu'ta?
jawab. waa zeyd bin xaarith (rc)

su'aal. sheeg dagaalkii lagu dilay zeyd bin xaarith rc, iyo jacfar bin abii daalib rc. iyo c/laahi bin rawaaxa rc?
jawab. seddexdaan asxaabi alle haga raali noqdee waxa lagu dilay dagaalkii mu'ta.

su'aal. sheeg magaca samada koowaad?
jawab. waxa ladhahaa rafiica.

su'aal. sheeg magaca samada labaad?
jawab. waxa ladhahaa maacuun.

su'aal. sheeg magaca samada seddexaad?
jawab. waxa ladhahaa musayana.

su'aal. sheeg magaca al imaam al shaafici ?
jawab. maxamed ibnu idiris ibnu cabaas ibnu cothman (abuu cabdallaah)

su'aal. sheeg haweeneydii calaan-jisay beerkii xamza bin cabdi mudalib rc?
jawab. waxay eheed hinda bintu cutbah.

su'aal. sheeg madaxweynihii ugu horeeyey ee islaamka?
jawab. waa abuu bakar sadiiq (rc).

Su’aal Sheeg Asxaabigii soo jeediyay in la-bedelo meeshii Musliminta dageen Maalintii Beder?
1-Jawab: Wuxu ahaa Xubaab Binul Mundir Binu Camar Rc.
2-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Tabuuk?
2-Jawab: Wuxu dhacay Bishii Rajab sanadkii 9-aad ee Hijriyadda.
3-Su’aal Sheeg Zubeyr Bin Cawaan Rc kumaa ku dhuftay waranka?
3-Jawab: Waxa ku dhuftay Cumayr Binu Jarmuuz.
4-Su’aal Sheeg Magaca mid kamid ah xaasaska Nebiga oo ka soo jeeday Israa’iil?
4-Jawab: Waa Safiya Bintu Xuyey Rc.
5-Su’aal Sheeg Hooyaddii Gabdhaha Nebiga (NNKH)?
5-Jawab: Waa Khadiija Bintu Khuweylad Rc.
1-Su’aal Sheeg markii uu Rasuulka (NNKH) geeriyooday dad badan ayaa Diinta ka noqday dadkaasi waxaa lagu qaaday dagaal, hadaba sheeg dagaalkaas waxa uu la-magac baxay?
1-Jawab: Wuxu la-magac baxay dagaalkii ka noqoshada Diinta.

2-Su’aal Sheeg dagaalkii Beder Muslimiinta imisa ayaa ka shahiiday?
2-Jawab: Waxaa ka shahiiday 14 ruux, 8 kamid ah waa Ansaar, 6 kamid ah-na waa Muhajiriin.

3-Su’aal Sheeg baarlamaankii ay ku shiri jireen kufaartii qureysheed, maxaa la oran jiray?
3-Jawab: Waxa la-oran jiray Daaru Nadwa.

4-Su’aal Sheeg imisa wadan ayuu ka kooban yahay jaamacadda carabta?
4-Jawab: Wuxu ka kooban yahay 22 wadan.

5-Su’aal Sheeg Su’aal Sheeg Qaaradaha loo-yaqaano adduunka gaboobay?
5-Jawab: Waxa weye Qaarada, Afrika, Asia iyo Yurub.

6-Su’aal Sheeg Qaaradaha loo-yaqaano qaaradaha da’da yar?
6-Jawab: Waa Qaradaha America iyo Australia.
-Su’aal Sheeg Asxaabigii soo jeediyay in la-bedelo meeshii Musliminta dageen Maalintii Beder?
1-Jawab: Wuxu ahaa Xubaab Binul Mundir Binu Camar Rc.