TAARIIKHDII XIZBIYA DIGIL IYO MIRIFLE 1947-1969

21-11-2012 11:54

TAARIIKHDII XIZBIYA DIGIL IYO MIRIFLE 1947-1969

Maxaad ka taqaanaa xisbigii Hazbiya Digil Mirifle (HDM party)
Bartamihii qarnigii 20, Soomaaliya waxaaka hanaqaaday dhaqdhaqaaqyo gobonimo doon ah ayagoo markii hore ku bilowday qaab naadiyo ama ururo gargaar ama qaab ururo samafal ah.

Haddaba maqaalkan ayaa waxaan ku fiirin doonaa mid ka mid ah ururadii halgankaas gobonimo doonka ah ka soocayaaray door muhim urukaas oo ah Hazbiya Digil Mirifle (HDM),si dhalinyarada iyo da’yarta DM ay wax uga ogaadaan 65 sano ka hor hanka siyaasadeedee waxgaradkii DM ee bartamihii qarnigii 20 ,si ay is barbardhig ugu sameeyaansiyaasiyiinta iyo waxgarada qarinigan 21 aad

Haddaba maqaalkan waxaan si kooban ugu warami doonaa:

·Soo bixidii iyo maraaxishii uu soo maray xisbigii HDM*

·Astaantii HDM iyo mabaadi’da aasaasiga ee xisbiga HDM

·Sababihii loogu guulaysan waayey ujeedooyinkooda xisbiga HDM

Soo bixitaankii HDM

Xisbiga Hazbiya Digil Mirifle (HDM) waxaa looga dhawaaqay magaalada Mogadishu 253\1947ka dibna waxaa laamaha xisbiga lagu furay gobollada Banadir iyo magaalada Baydhabo , isla sanadkaas 1947bishii August 15keeda waxaa HDM lagu furay magaalada Xuddur,kabina Luuq,Baardheere iyo dhamaan degmooyinkii gobolkii Koonfur (Southern Province). Hogaamiyiyaashii ugu horeeyey HDM waxay ahaayeen Sheikh Cabdulahi Mohamed Bogeodi, Cabdilqadir Maxamed Adan (Zoppo), Ustaad Cismaan, Sheikh Cabdulahi Mursal (Afar Hindhood) Cabdi Nur Maxamed Xuseen ( Cabdinur mada waraabe), Jeylaan Sheikh Bin Sheikh, Abuukar Cumar Sheegow iyo Mukhtar (Borow) , iyoaqoonyahanadii DM ee waagaas,hogaamiyihii ugu horeeyey xisbiga HDM waxaa uu noqday Sheikh Abdulahi Mohamed Bogodi.

HDM waxay ka soo faracantayururkii samfalka ee lagu magaacabi jiray (Jimciya AlKheyriye wadaniya) oo loola jeedo {Ururka gargaarka ee wadaniga}. Ururkan inta badan howshiisa waxay ahyd u gargaarida dadka dan yarta ah iyo inuu waxbaro dhalinyarada, markii Jimciyadu isu bedeshay xisbi siyaasiayaa waxaa si fudud Xisbiga cusubHDM ugu guulaystay in uu helo taageeriyaal iyo xubno fara badan oo ku soo biiray xisbiga kuwaas oo ka soo jeeday taageeryaashiijimciyada iyo taageerayaashii SYC(Kulubeey).

Mabaadida iyo astaanta HDM+

Mabaadida ururkan HDM waxay ku dhisneydgoboleys, HDM waxay soo bandhigtay barnaamij siyaasadeed oo lagu difaacayo danaha bulsho weynte degta labadawebi dhexdooda Jubba iyo Shabelle ee DM, Barnaamij siyaasadeedka xisbiga HDM waxaa gundhig u ahaa 4 qodob:

1.In Soomaalia loo sameeyo dowlada federal laba dhinac ah (Maay iyo Maxaa tiri)

2.In Somalida ku wada noolaato Nabad, amini iyo cadaalad.

3.In Qolo waliba lagu tixgeliyo meesha degaankooda uu yahay.

4.In is dhexgalka iyo is dhex dega uu banaanyahay laakiin dadka soo galootiga (Kooytida) ay uga dambeeyaan dadka dhulka iska leh.

Calanka xisbiga HDM waa maro cagaaran oo dhexda kaga yaala laba seef oo kor u taagan iyo bil iyo xidig oo kor ka saran korna ay ugu qorantahayAShahaada si gudub ah (LAA ILAAHA ILA LAAH MOHAMADU RASUULULAAH) , Xisbiga HDM waxaa loo yaqaanay (SEEFUL ISLAAM) ninka madaxda ka ah xisibga waxaa loogu yeeri jiray (AMIIR)

Dhamaan astaamahan Islaamiga ah waxay na tusayaan in xisbiga Hazbia uu u muuqan karo xisbi diin ku dhisan laakiin marka la fiiriyo hab dhaqanka xisbiga gudihiisa waxaa ka muuqanaayey in aan diin shaqo ku lahyn hase yeeshee waxay u arkayeen in lagu dhaqo gobolada DM sharciga Islaamka inay kaga badbaadi karaan shartii Kulubayda hal ku dhegooda wuxuu ahaa (kulubay dhowaa, kirishtaan dhowaa) inta badan waxay u arkayeen SYL (Kulabay) dad aan ahyn DM oo ay rabaan inay la wareegaan dhulka ay degaan dadka DM ayagoo u kaashaanyo maamuladii Ingriiska iyo Talyaanigii waagaas dalka gumeysan jiray.

Fariimaha uu mar kasta gudbin jiray Amiirka HDM Sheikh Abdulahi Mohamed Bogedi waxay ahaayeen kuwa cad, fudud oo taas ah wuxuuna badanaa dhihi jiray:

“ Waa in aan ka difaacanaa dhulkeen iyo hantideena shufto ka timid gobolada waqooyiga ,waxaan leenahay oo Ilaahay nagu maneystay dhulka meeshii ugu fiicneyd ,waxaan nahay dad nabada jecel kuwaas oo aan ku tala jirin inay boobaan hantida dadka kale ,mana ihin kuwo u qorsheysan inay u geystaan qofna dhibaato . Waa in aad ogaataan dadka DM inay jiraan in qabiilooyin go’aansadeen inay dhacaan wax walba oo aad leenahay, waa in aad feejignaataan una diyaargaroowdaan sidii dadkaas isaga difaaci lahaydeen.

Hogaamiyaasha HDM waxay shaaca ka qaadeen in aan loo aasaasin xisbiga HDM inuu u shaqeeyo maamulkii Admministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia** (AFIS) sida xisbiyo badan oo kaba qaad u noqday .HDM waxa uu ahaa xisibi isku kalsoon oo go’aan gaadasho leh , guulihii ugu waaweynaa ee ay gaareen muddaddii 22ka sano ee halgankasiyaasadeed uu ku jiaray waxaa ka mid ahaa kor u qaadida xaaladaha bulshada iyo siyaaasada DM iyo ka hor tagidadulmiga cadaadiska iyo xagdhowr la’aanta kaga imaanaysay dhinaca SYL dadka dega labada webi dhexdooda.

Sababihii burburka ku keenay HDM

Aas-aasidii xisbiga HDMkadib , waxaa SYL ay ka shaqeeysay sidiiay u hor istagi lahyd fiditaanka xisbiga HDM maxaa yeelay waxay u arkeen SYL ,HDM in uu yahay xisbiga keliya ee si macna leh ula tartami karo oo kagana guulaysan karo doorashooyinka dowladaha hoose iyo tan baarlamaankaba ,maxaa yeelay xisbiga HDM wuxuu matalaayey dadka dega inta u dhexeysalabada webi iyo Banaadir oo xiligaas ahaa meelaha ugu dadka badan maxaa yeelay gobollada Soomaaliya marka laga reebo waqooyi galbeed xiligaas waxay ahyeen xoriyadii ka hor 4 gobol oo kala ah (a). Banadir province (b.) Upper jubba province (c.) Mudug province (4.) Majertain province tani waxay ku tusaysaa in gobollada HDM ay yihiin meelaha ugu dadka badnaa xilligaas.

Si haddaba SYL ay ugu guulaysto inay HDM ay ka hor istaagto in ay ku fido goboladii kale waxay bilowday SYL inay dad caada qaatayaal ah oo DM u dhashay ay u adeegsatay inay abaabulaan isku dhac ayagoo weeraray xisbigii HDM oo markaas ku jiray wacyo gelin, waxaa dhacay dagaalkii caanka ahaa ee Kulubay dhowa taas oo sasabtay dhimasho, dhaawaciyobarakac. Waa siddii ay rabtay SYL waxaa la xir-xiray dhamaan madaxdii HDM ee Baydhabo.

Intaas kuma gaabsan SYL (Kulubay) waxay sii laba laabtay dadaalkii ay ugu jirtay sidii ay uga takhalisi lahyd xisbiga mucaaradka ugu weyne ee HDM ayadoo u kaashanayso (Admministrazione Fiduciaria Italiana della Somalia (AFIS) xilligii maxmiyada(trusteeship).

Ugu horeyn waxay soo saareen maamulkii maxmiyada:

·In HDM aan ka furan Karin xisbigeeda gobolada kale

·In la mamnuucay xisbiyada ku salaysan goboleysiga ama qabiilka taas oo lagu qasbay HDM in lagu daro xarafka (S) (HDMS) Hizbul Dastuur Mustaqbal Somaaliya .

Waxaa kaloo ay geed dheer iyo mid gaabanba ay u fuushay Kulubay (SYL) sidii ay u burburin lahyd HDM ayadoo ay u ballan qaadeenjagooyinmuhiim ah si ay ugu soo biiraan SYL, tani waxay keentay doorashadii 1959 inisku soo sharaxeen Tikidkii SYL, waayo HDM way boykotgareesey doorashadii 1959ki.. Xilligaas wixii ka dambeeyey HDM waxaa u bilowday bur-bur iyo hoos u dhac ku yimid awoodii iyo wadaniyadii xisbigii HDM.

Haddaba 65 sano kadib bulsha weynta HDM maxay ka barteen waayaha siyaasadeed ee Soomaaliya?

Ahkristayaasha ayaan u deynayaa

Dhamaad

Reference:

*Mohamed Haji Muktar, The Emergence and the Role of Political Parties in the Inter-River Region of Somalia from 1947 to 1960, UFUHAMU journal of the African Activist Association, Vol. 17, no. 2 (Spring, 1989) University of California, Los Angeles.

** Salah Mohamed Ali, Huddur and theHistory of Southern Somalia, Nahda Bookshop Publisher, (Cairo 2005)

+ Maadow Xuseen (Horseedkii Hazbiya

dawao halkan video-arlaadi-RRA/