Tahriibayaal Badan oo Soomaali ah oo ku dhamaaday Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga

05-11-2012 09:18

Tahriibayaal Badan oo Soomaali ah ayaa ku dhintay Badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya kuwa kalana waa la badbaadiyay kadib markii ay la dagtay dooni ay saarnaayeen xili ay kusii jeedeen Dalka Talyaaniga si halkaasi uga galaan Qaarada Yurub.

Doonida ayaa la sheegay in ay kasameesneed Bac la aaryeeyay waxaana saarnaa in kabadan 100-qof oo la sheegay in ay yihiin Soomaali dooneysay in Talyaaniga Tahriib dhinaca Badda ku galaan si ay uga sii gudbaan Wadamada kale ee yurub ee ka raadinayeen nolol iyo amaan.

Inta la xaqiijiyay 40-qof ayaa ku dhimatay Doonidaasi dagtay tira 60-gaareysa waxaa Badbaadiyay Markab laga leeyahay Dalka Talyaaniga oo arkay dadkan iyaga badda sabeenaya dhibaato xoogana ku qaba.

Mid kamid ah dadkii la badbaadiyay ayaa sheegay in doonta Bacda kasameesay ay la dagtay biyana soo galeen qof walibana uu badda galiyay halkaasna ay ku dhinteen dad badan uu qaarkood garanayo kuwa kalana la badbaadiyay.

Badda u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga waxaa lagu tabayaa oo kumaqan Boqolaal Soomaali ah oo doon kula dagtay xili ay doonayeen in Liibiya ka galaan Dlaka Talyaaniga ,waxaana xusid mudan dadka hada dhintay in ay ku jiraan Haween iyo Caruur tiro badan.