Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji, oo maxkamad loogu hanjabay.

06-11-2012 08:33

wasiirka arimaha dibada maamulka lamagac baxay Soomaaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa shaaciyay in wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji hadii ay cagaha dhigto dhulka maamulkoodu uu ka arimiyo ay qaban doonaan oo ay maxkamad soo saari doonaan.


Maxamed C/laahi Cumar oo ah wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliland ayaa waxa uu sheegay in ciidamada amaanka ee maamulka isku magacaabay Soomaaliand ay ku war gelinayaan in hadii Fooziyo ay deegaanadaasi soo gasho ay gacanta kudhigaan.

R/wasaare kuxigenka xukuumda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay daqiiqado kadib markii xilkeeda loo magacaabay in Soomaaliya oo dhan ay isigu mid tahay, Soomaalilaand ay kazoo jeedo iyadoo hadana ay tahay masuul katirsan xukuumada tirada yar ee Soomaaliya loo sameeyay.

Hadalka masuulkaan u hadlay Soomaliland masheegin sababaha ay maxkamadda ugu hanjabayaan gabadhaan, waxaana hadalkiisu ku soo aadayaa xilli masuuliyiin kale oo isaga kahor saxafada lahadlay ay ku warameen in arima siyaasadeed oo kale ay u tagi karto hasa yeeshee arinta Soomaaliland aysan faraha lageli Karin.