Weerar lagu qaaday gudoomiye kuxigeen gobal oo khasare nafeed uu kadhashay.

05-11-2012 09:00

Kooxa hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay weerar gaadma ah ku qaadeen gudoomiye kuxigeen gobal inkasta oo weerarkaasi masuulkii lala eegtay uu ka badbaaday.

Ila wareedyo kusugan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa waxa ay xaqiijinayaan in guriga uu magaaladaasi kadeganyahay G/kuxigeenka gobalkaasi ee dhanka arimaha siyaasada weerar hub aad uculus loo adeegsaday lagu qaaday.

Weerarka ayaa lasheegay in ay wax ku noqdeen dad kunoolaa agagaarka guriga G/kuxigeenka gobalka, waxaana si rasmi ah aan loo ogeyn qasaaraha gaaray kooxdii weerarka soo qaaday.

Weerarka cid sheegatay majirto hasa yeeshee inta badan werarada nuucaan oo kale ah waxaa lagu eedeeyaa Al-shabaab oo dagaal kala soo horjeeda Dowlada Soomaaliya.

B/weyne waxaa caadi ka ah in weerar lagu qaado guryaha ay kunoolyihiin masuuliyiinta dowalda iyo xarumaha ciidamada, waxaana inta badan weerardaasi ay sameeyaan shacabka aan waxba galabsan.