Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho golaha wasiirada dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen qoddobo ay ka mid ahaayeen sidii loo sii xoojin lahaa ammaanka iyo sare u qaadida ganacsiga xoolaha dalka.06/12/2012 ,

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho golaha wasiirada dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay kaga hadleen qoddobo ay ka mid ahaayeen sidii loo sii xoojin lahaa ammaanka iyo sare u qaadida ganacsiga xoolaha dalka.

Shirkan oo guddoominayay ra'iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxaa si weyn loogaga dooday sidii loo sii adkeyn lahaa amaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaarada kheyraadka Cabdirsaq Maxamed Cumar oo la hadlay saxaafada ayaa waxa uu sheegay in lagu go'aamiyay kulankan in gebi ahaanba la mamnuuco ka ganacsiga dharka,hubka iyo gaadiidka ciidamada ay isticmaalaan qofkii lagu helana sharciga la horgeyn doono.

Kulankan oo ay uga maqnaayeen qaar kamid ah golaha wasiirada safaro dibbada ah ayaa sidoo kale waxaa loogaga hadlay in sare loo qaado ka ganacsiga xoolaha nool ee dalka Soomaaliya dibada u iib geyn jirtay.

Waxana uu wasiirka kheyraadka uu sheegay in loo saaray guddi ka kooban shan wasiir iyo xubno ganacsato ah oo ka soo shaqeeya sidii looga bilaabi lahaa dhoofinta xoolaha dekeda magaalada Muqdisho