Daawo sawirada Safaarada Soomaaliyeed ee Belgium oo 18 sano kadib lagu soo celiyay gacanta Soomaalida 21/11/2012

Safaarada Soomaaliya ee dalka Belgium ayaa wixii kadanbeeyay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya waxa gacanta ugu jirtay dadyow qoomiyada kala duwan leh oo kunoolaa.

Dadyowgaasi qoomiyadaha kala duwan leh ee kunoolaa safaarada ayaa waxaa laga bixiyay maalintii shalay aheyd kadib markii in mudda ah uu dacwo kuweday safiirka Soomaaliya ee midawga Yurub, Nuur Xassan Xuseen (Nuur cadde).

Dowlada Belgium ayaa waxa ay ciidan u dirtay safaarada si ay uga saaraan dadka sharci darada ugu noolaa, si dowlada Soomaaliya loogu celiyo arintaas oo guul kudhamaatay sida u sheegay Nuur Xassan Xuseen

Nuur cadde ayaa sheegay in dacwadoodii ay guuleysatay hasa yeeshee safaaradu ay u baahantahay dayactirid iyo waliba dib u qalabeyn si howlaha muhiimka ah loogu fuliyo.