Hamiga hawada sare hiigsaday ee Gaas iyo hagardaamada Faroole halkeey kusoohoyan waa howle? (Qormo iyo Saw...

07-11-2012 07:56

Horay ayaa looyiri laba isla heysaba mar ayeey kala hami noqdaane, intiinii lasoo fal geleysay siyaasada Soomaalida ee isbededeleka kusaleesneed, wax badan ayaad soo aragteen warbixinno iyo sawir gacmeedyo laga metelay isku dhawaanshaha iyo isla heynta Gaas iyo Faroole, hasa yeeshee wax kasta xilligaan wey isbedeleen.

C/raxmaan Maxamad Maxamuud Faroole oo ah madaxweynaha maamul gobaleedka Puntiland waayihii ugu danbeeyayna saameyn balaaran kulahaa siyaasada Soomaaliya, gaar ahaan isagu majaraha uhayay siyaasiyiinta dowlada federaalka soogelayay ee ku aftirsada Puntiland, ayaa wixii kadanbeeyay xilligii xukuumadii Maxamed Cabdullahi farmaajo lasoo dhisay oo uu isagu mug weyn kulahaa in uu wasiir kanoqdo cabdi Weli Maxamed cali gaas, ayaa waxa saaxiiba dhaw noqday cabdi Weli iyo C/raxmaan faroole.



Saaxiibtinimadaasi waxa ay hawada sare gashay markii Cabdi Weli uu kufariistay kursigii sida halhaleelka ah looga tuuray Farmaajo, waxa ayna arintu gaartay in cabdi Weli uusan go’aan gaarin ilaa uu latashado Saaxiibkii C/raxmaan faroole, waxaana arintaasi gaartay in cabdi Weli lagu naaneeso wiilkii faroole.

Arintaasi waxa ay aheyd mid dad badan ay aaminsanaayeen in marnaba aysan meesha kabixi doonin, hasa yeeshee waxaa kale oo iyana jira maah maah Soomaalida dhexdeeda qaacida kanoqotay (Siyaasaddu dan joogta ah ayeey leedahay ee saaxiib joogta ah malahan). Maahmaahdaasi waxa ay nabareysaa in laba kasta oo isku fahamta siyaasad mar uun ay kala geyndoonto.
Maxaa isbdedelay?

Horay ayaa loo yiri dhedhenshaa waalan dhergaana kadaran, ee cabdi Raxmaan iyo cabdi Weli labadaba waxaa ka dhamaaday shaqooyinkii ay hayeen markaanna ay hal irid oo mid kasta oo kamid ah uu doonayo in uu isagu kashaqeesto ay soo dhex gashay, si uu siyaasada Soomaaliya uga sii dhex muuqdo, waana taas midda iska horkeentay.

Cabdi Weli Maxamed cali Gaas ayaa kadib markii xilkii uu kahayay DKG ee Soomaaliya uu soo idlaaday waxa uu u jeheestay in uu dhulka uu markii horaba metelayay maamulka kajira uu isagu majaraha u qabto arintaas oo markii horaba u lab gaabsaneed, maadaama xilli doorasho uu Puntiland kasoo dhawaaday, lacag badan oo uu olola kugeli karana uu mar hore meel sii dhigtay xilligii lakala badsanayay hantida Soomaalida ee lasheegay in 10-kii dollar ee dalka soo gashayba 7-doolar laga xaday.

Hasa yeeshee cabdi Raxmaan faroole oo sababaha markii horaba saaxiibka ula ahaa Cabdi Weli ay aheyd danahiisa oo uu ka dhex arkayay ayaa isna waxa uu maamulkiisa oo laba bilood xilliga uu shaqeyn karo ay uga hartay uu kororsaday hal sano ee dheeraad ah, arintaas oo cabdi Weli aan farxad gelin.



Garu laba nin kama wada qoslisee, Cabdi Weli markii uu xilkii R/wasaaraha uu ku wareejiyay Cabdi faarax Sheydoon (Saacid) ayaa waxa maalinimo u duulay gobalada uu ka arimiyo maamulka faroole waxa uuna durbadiiba bilaabay in uu kulamo layeesho bulshada ku nool deegaanasaasi si uu uga dhaadhiciyo siyaasadiisa, waxaana kulamaasi ay laf dhuun gashay ku noqdeen wadaaygii hore ee Cabdi Weli kaas oo ugu danbeyntii soo saaray waeegto uu Cabdi Weli ku amrayo in uu kulamada joojiyo si dhaqsa ahna uga boxo goobaha isagu uu kataliyo.

Cabdi Weli Maxamed cali gaas oo islahaa adiga ayaa wax gaadayee laguma oga ayaa waagii kubaryay, waxa uuna kusoo luga aruursaday magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug, si uu deegaanka uu dhinac uga joogo iskana ilalsho in Faroole uu ugacan galo, waxa uuna saxaafada u sheegay in faroole uu dhibaato kuhayo deegaanada uu kataliyo dastuurkana uu kutuntay arintaas oo dadkii horay aan u ogeyn isku dhacooda ay marqura kusoo baraarugeen.

Hadalkaasi Cabdi Weli wasiirada hoostaga maamulka Puntiland oo muda kororsigu uu danta u yahay wey kajawaabeen si cara leh iyaga oo muujiyay in faroole iya iyaguba ay ku qanacsanyihiin in shacabka Puntiland ay majaraha u siihayaan si aan sharciga waafaqsaney

Dhowr sheey ayaa lafilan karaa, maadaama cabdi Weli ay dhibeyso in uu maamulkaasi isaga sootago arinta koowaad ee macquulka ah ay tahay in cabdi Raxmaan faroole uu ciidamo usoo diro guriga uu deganyahay Cabdi Weli kadibna xabsi ladhigo maxkamadna lasoo taago xukkunna lagu rido.

Waxaa kale oo iyana lafilan karaa in Cabdi Weli maadaama uu lacag xad dhaaf ah uu heesto aw aruusado maleeshiyaad ay isku heyb yihiin hub aad u badanna uu iibsado iskuna dayo in uu xoogiisa kujoogo deegaanada Puntiland isaga oo hogamiye kooxeed u baqaya, arintaasi oo sababi karta dagaal beeleed dhiig kudaato.

Puntiland waxaa horay isugu dagaali jiray Jaamc cali Jaamac iyo cabdullahi Yuusuf oo isku heysan jiray madaxtinmada maamulkaasi, wax layaab lehna manoqoneyso in mar kale ay soo noqoto isqabqabsigii maamulidda Puntiland.