Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

07-11-2012 20:02

Qaraxan oo loo adeegsaday gaari Walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa sida la sheegay waxaa uu ka qarxay Parkinga ay Baabuurta dhigtaan Xildhibaanada Barlamaanka ee Masaajidka Isbahaysiga islaamka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku Geeryooday Hal Askeri oo ka tirsanaa Ciidamada Dawladda halka Tiro Dad rayid ah oo halkaa ka dhawaana ay ku dhaawacmeen.

Gaarigan walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa sida la sheegay waxaa la soo ag dhigay Baabuur kale oo ay wateen Xildhibaanada kuwaas oo yaalay Barxadda Masaajidka Is Bahaysiga qaraxaas oo dhacay wax yer ka hor intii uusan soo gaba gaboobin fadhigii Xildhibaanada barlamanka ee halkaa ka socday.

Ka sokow Khasarahaas Dhimashada halka Askeri ee ka tirsanaa Ciidamada dawladda iyo dhaawaca soo gaaray Dadka Rayidka ah waxaa bur buray gaadiidkii halkaa yaalay ee xildhibaanadu lahaayeen iyadoo halkaasna lagu arkayay Dhiig fara badan iyo bur burka gaadiidkii halkaa yaalay.

Ciidamada ammaanka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa durbadiiba isku xeeray goobtii uu qaraxu ka dhacay iyagoona bilaabay baaritaano ay ku ogaanayaan ciddii qaraxaas ka danabysey iyo sida ay suurta gal u noqotay in gaari ay ka buuxaan walxha qarxa halkaas la soo dhigo.

Xiligaas oo uu soo Idlaanayay Shirka Barlamaanka ayaa markiiba waxaa halkaas laga soo saaray Guddoomiyaha Barlamaanka iyo ku xigeenadiisa taasoo ay galbinayeen Ciidamada amisom oo sida gaarka ah u Ilaaliya Mas’uuliyiinta Sare ee Barlamaanka.

Si kasta ha ahaatee ma jiraan wax tafaasiil ah oo qaraxaas maanta ka soo baxay iyadoo Saraakiisha Ciidamada amaanka ee Dawladda Federaalka Soomaaliyana ay ku gaabsadeen oo keliya in baaritaano ay samaynayaan kaddibna xaqiiqda soo ban dhigayaan