Ugandha oo iska dhex weysay Muraayada Siyaasada Somalia ee mudo ka dhax muuqatay(Xog Rasmi ah)

07-11-2012 08:04

Xukuumadda Ugandha ayaa qorsheeneysa inay dabciso siyaasadda kala dhexeysay Somalia kadib markii Xukuumadda Cusub ee Somalia ay ka dhex weysay Siyaasiyiin qaad-qaada Siyaasadda fog ee Ugandha taasoo oo keeni karta in Ugandha ay Ciidamada ugu badan ay kala baxdo Dalka Somalia

Khubaro ku xeel-dheer Siyaasadda Geeska Africa oo kasoo jeeda Dalka Ugandha, Faransiiska,Kenya, ayaa sheegay hadii Ugandha ay Ciidamadeeda inta ugu badan ay kala baxdo Somalia uu dalka Somalia dib ugu laaban doono bur-bur aan laga soo kabsan, ayna dib usoo baxdo awoodii Kooxda Al-Shabaab iyo Midii qabaa'ilka.


John kalinjor oo ah Khabiir u dhashay dalka Faransiiska ayaa sheegay in Dalka Somalia ay danta ugu jirto inay kusii jiraan Ciidamada Ugandha islamarkaana xukuumadda Cusub ee Somalia looga bahanyahay inay suura galiso dhaqdhaqaaqyadii hore oo ay AMISOM ka dhex wadeen Magaalada iyo daafaheeda taasoo uu kumicneeyay in AMISOM gaar ahaan Ugandha loo ogolaado in macluumaadka dalka Somalia gacanta loo galshao, Sidaa waxaayiri Khabiir Faransiis ah


Mr John ayaa dhanka kale sheegay in Xukuumadda Ugandha ay aad uga careysan tahay Booqashadii Madaxweyne Xassan sheikh uu ku tagay Dalka Ugandha Bilowgii bishii lasoo dhaafay xili Ugandha ay u dabaal dageysay Xuriyada xiliga ay qaadatay, waxa uuna John sheegay in Maalintaasi Madaxweyne Moseven iyo Xassan Sheikh ay kusoo kala tageen caro kadib markii Moseveni uu Xassan sheikh ka codsaday Siyaasad gaar ah hayeeshe Xassan Sheikh uu arintaasi ka dhaga adeegay

Ugandha ayaa aaminsan in Xarakada Dam jadiid ee iminka qabsatay Dalka ay si gaar ah isaga saarayan Siyaasadd Somalia waxaana jira Siyaasado isdiidan oo ka dhexeeya Dam jadiid iyo Ugandha, Dam jadiid oo iyadu dooneyso inay isku koobto Kheyraadka Somalia iyo Ugandha oo iyaduna dooneyso inay gacan galiso Kheyraadka kasoo baxaaya Dalka Somalia iyada oo ku nasab sheegeneyso in Dalka Somalia ay Al-Qacido ka saartay Dhiigna kaga daatay


Sidoo kale Ugandha ayaa dareensan in Xukuumadda Cusub ay tahay mid kaduwan Xukuumadihii ay ku adeegan jirtay waxa ayna isku dayeysaa inay siyaasad gaar ah ay ka dhex fuliso Xukuumadda Somalia iyada oo mar-marsiyo ka dhiganeyso inay la baxayso inta badan Ciidamadeeda, waxaana jira Culesyo Ugandha kaga imaanaya Dhanka Mareykanka si loo helo wasaarado xukuumada Cusub oo iyagu si toos ah ugu xiran Xarumaha Mareykanka iyo Ugandha walow Xisbiga talada dalka haya ay diidan yihiin hadana waxaa jira Ololo loogu jira in lagu sameeyo Xiriir labada dalka oo kala ah Somalia iyo Ugandha xiriirkaasoo ka duwan kii ay la lahaayen Xukuumadda Shariif Sheikh Axmed


Ugu dambeyntii waxaa sii xumaanaya Siyaasada Ugandha iyo Somalia waxa ayna u muuqata in Ugandha ay Somalia kala siibixi doonto tirade ugu badan oo ciidan ah si ay cadaadis u saarto Xukuumadda Xassan Sheikh oo iyada iska indha tireyso awooda Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Somalia .