War Deg Deg Ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo isku uruursanaya Hoteelada Muqdisho(Yaa kamid ah)

07-11-2012 07:59

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa u biro tumanaya Xukuumada uu soo dhisay R/Wasaare Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) iyagoona qorsheenaya in codka kalsoonida ay u diidaan Xukuumada Cusub.

Hoteelada Magaalada Muqdisho ayaa caawa iyo saacadihii lasoo dhaafay waxaa laga dareemayay Mashquul aad u badan ay wadaan Xildhibaanada Baarlamaanka kuwaa oo isku sii balansanaya sidii Xukuumada Cusub looga soo horjeesan lahaa codkana loogu diidi lahaa.

Xildhibaanada ololaha wada ayaa u badan Xildhibaanada Beelahaooda lagu qadiyay Golaha Wasiirada iyo kuwa kale oo iyaguna aan ku qanacsaneen Xubnaha Beeshooda loo soo xulay oo qaab aysan Baarlamaanka beelahooda iyo Beeshoodaba raali ka aheyn Golaha Wasiirada lagu soo galiyay.

Xildhibanada hada wada ololaha ka dhanka ah Ansixinta Golaha Wasiirada ayaa ah kuwa aad u tiro badan oo ka kooban beelaha Soomaaliyeed kuwaa oo aad u dhaliilsan qaabka loo soo xulaya Golaha Wsaiirada iyo sidoo kale tirade yare e Xukuumada laga dhigay Beelo badana lagu qadiyay.

Xubnaha ololaha Wada waxaa ugu cad cad oo horbooday Xildhibaanadan.

Cabdi Axmed Dhuxulow
C/raxmaan Xoosh Jibriil
C/llaahi Goodax Barre
Daahir Aamin Jeesow
Mustafa Sh. Cali Dhuxulow
Maryan Craiif Qaasim
Khadiija Maxamed Diiriye
Mustaf Mukhtar Gudow
C/Raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi)
Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoowe


Iyo Xildhibaano kale oo katirsan Beelaha Soomaaliyeed oo iyagu dhaliilsan qaabka looo soo dhisay Xukuumada Cusub iyagoona wada ololihii ugu dambeeyay ee ku doonayaan in Golaha Wasiirada loogu diido Codka kalsoonida ee Baarlamanaka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Muqdisho kasocda iyana kulamo ay taageero ku raadinayaan Golaha Wasiirada Cusub kuwaa oo doonaya in beelahooda ka kasbadaan Codka kalsoonida si aysan ugu fashilmin Xukuuumada Cusub lana siiyo Codka kalsoonida