Afhayeenka Baarlamanka oo sheegay in Baarlamanka uu Sabtida bilaabidoono ansixinta Xeer hoosaadka Baarlamanka 21/11/2012

Afhayeenka Baarlamanka oo sheegay in Baarlamanka uu Sabtida bilaabidoono ansixinta Xeer hoosaadka Baarlamanka 21/11/2012

Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in todobaadka soo socda uu Baarlamanku bilaabi doono ansixinta xeer hoosaadka Baarlamanka, xilli maalmihii la soo dhaafay ay mudanayaashu ka doodayeen xeer hoosaadka Baarlamanka.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ‘’Jawaari’’ ayaa Radio Muqdisho u sheegay in Sabtida soo socta uu Baarlamanku bilaabidoono ansixinta xeer hoosaadka Baarlamanka, kadibna sida uu sheegay la dhisidoono guddiyada Baarlamanka.

‘’Maalinta Sabtida ayuu Baarlamanku bilaabidoonaa ansixinta xeer hoosaadka Baarlamanka oo mudanayaashu in muddo ah ay ka doodayeen, markii la ansixiyana waxaa la dhisidoonaa guddiyada Baarlamanka, kadibna waxaa la ansixidoonaa miisaaniyada dowladda ee sanadka soo socda’’ ayuu yiri Afhayeenka Baarlamanka ‘’Jawaari’’.

Mudane Jawaari ayaa intaa ku daray in Baarlmanku uu u shaqeyndoono si wafaqsan sharciga dalka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in baarlamanku uu horseed u noqondoono wax ka qabashada xaaladaha adage e dalka ka jira.


Maak een gratis website Webnode