Masuuliyiin katirsan dowlada dalka Kenya ayaa si adag kaga hadashay xaalada xaafada Islii ee magaalada Nairobi halkaas oo ay ka soconayaan rabshado qasaaro gaystay.
Gudoomiyaha magaalada Nairobi James Waweru ayaa sheegay in uu jiro qorshe la isaga horkeenayo Muslim-ka iyo Christian-ka wada dega xaafada Islii ee magaalada Nairobi.
Muuqaalka Waxii dhacay Halkan ka daawo
Shir uu ku qabtay xafiiskiisa Nyayo House ee magaalada Nairobi, ayaa Mr Waweru waxaa uu sheegay in ay jiraan kooxo qaswadayaal argagaxiso ah oo ka faa’idaysanaya dhibaatada ka socota xaafada Islii.
“waxaa jira argagaxiso kusugan halka ay wax ka socdaan, doonayana in ay sii holciyaan danbiga ka soconaya Islii “ayuu sheegay gudoomiyaha Nairobi.
Sidoo kale Xildhibaanka deegaanka Kaama-Kunji Yuusuf Xasan ayaa sheegay in wax laga naxo ay tahay in dadka Soomaalida ah loo aaneeyo in ay ka danbeeyaan falalka amaan xumada ah sida qaraxii dhaliyay rabashadaha xiligan soconaya.
Afhayeenka ciidamada booliska Nairobi Moses Ombati ayaa isagana ka digay in ciidamada ay xoog adeegsan doonaan hadii aan rabshadaha la joojin.
Ku dhawaad 15 Ruux ayaa la aamisan yahay in ay dhinteen kuwa 40 la egna ay dhaawacmeen sedexdii maalin ee lasoo dhaafay xaafada Islii ee magaalada Nairobi