Kulankaan ayaa waxa uu dhacay maalintii Axada taariikhdu ku beegneyd 16 disembar, kaasoo lagu qabtay Hoolka shirarka caalamiga ee magaalada Istanbuul, waxaana kasoo qeybgalay ardayda kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee (DM), gaar ahaan Kuwa waxkabarta Magaalooyinka Istanbuul iyo Ankara.
Mowduuca kulanka ayaa waxa uu ahaa (Hadeynu Nahay DigilMirifle Maxaan Maqaar Saar Unahay) Markasta.
Hey’addo badan oo kuyaala dalka Turkiga ayaa waxaan ka dhaadhicinay in gobolada aan kasoojeedno aan wax caawinaad ah gaareyn, waxaan isku afgaraney ardayda in xaqiiqda jirto aan la iska indha tirin goboladeenana weligood wax Caawinaad ah gaarin hadana aan rabno inaan waxbadan ka bedelno Nolosha dadkeena.
Kulanka waxaan ku martiqaadnay hey’addo caalami ah kadib markii aan la xiriirney kana dhaadhicinay danteenana, waxaana kulanka kasoo qaybgaley hay’addo waaweyn oo caan ku ah caawinaaada dalkeena Soomaaliya waxaana isla fahaney xaqiiqada goboladeena ka jirto.
Sidoo kale Kulanka waxaa kasoo qeybgalay ardayda wax kabarata dugsiyada sare iyo Jaamacadaha dalka Turkiga wuxuuna ahaa kulankaan mid aad u qiima badan, una qabsoomay sidii loogu tala galay.
Ardayda DigilMirifle waxaa ka go’an horumarka guud ee gobolada Soomaaliya gaar ahaan Lixda Gobol ee Koonfurta.
Ilaahey waxaan ka Baryeynaa inuu Guusha nawaa Fajiyo meel kasta oo aan Dunida ka Joogno.
Halkudhigeenu waa *kulumaa talithaa kufki DM-low hakabsidaasani guul korkiinga*