BAAQ KU WAJAHAN JAALIYADDAHA DIGIL IYO MIRIFLE KU NOOL ADUUNKA DACAALADIISA,14/12/2012

Waxaa laga codsanayaa Jaaliyadahaas , in ay badabaadiyaan Walaalhooda 60 sano ku noolaa, Siyaasad Humo, cadaadis fool xun, midab takoor, boob iyo dhac, cadaalad daro, sharaf daro, nolol xumo , Si loo habeeyo, loona nadaamiyo, lees kuna xiro,

 
loonaa baraarujiyo, loona diyaariyo dagaal gelin siyasadeed oo Nabad asal u ah si dalkooda ay u xureeyaan, sharaftoodana u soo ceshadaan, midnimada ummada somaliyeedna u badbaadiyaan, una sugaan, adkeeyaan, difaacaan cadaalada, walaaltinimada iyo sinnanta ummadda Somaliyeed, taas oo ay ina fareeyso diinteena islaamka ah si ujeedooyinkaas ay u hargalaan ,
 
waxaa laga marmaan ah in la sameeyo, Nidaam oo ah maamuulgobooleed ;Taaso ah, taani kali ah Kufsiga, boobka, sharaf darida Ummadeena lagu xaayo looga samata bixin karo.
 
Qofkasto waxaa waajib ku ah in uu taageero Maamul usameyntaas, tagerdaaso kala ah mid siyaadeed, Maaliyadeed iyo Fikradeedba. Hadeer howshaas waxaa ku mashquulsan Odoyaal dhaqameedkeen iyo Gudi ay magacabeyn odayaal dhaqmeedka .
 
Waxaan idinka baryeynaa in aan codkiina aan maqlno, gacantiina ay nasoo gaarto. Waxaa laga hadlaayo Wax mustaqbilka cururteena iyo dhulkii Awoowyaalkeena aan ka dhahalney oo farah ka bahaya. Bal aan isku talo darsano, aan isku aqli darsano, aan midowno UMMADEENA aan badbaadino.