home > BARLAMAANKA OO MEEL MARIYEY XEER HOOSAADKA BARLAMAANKA.03/12/2012
BARLAMAANKA OO MEEL MARIYEY XEER HOOSAADKA BARLAMAANKA.03/12/2012
Waxaa maanta Magaalada muqdisho ee caasimada soomaaliya kulan ku yeeshey barlamaanka Soomaaliya,kuwaasi oo maalmihii ugu danbeeyay kulamo ku lahaa xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho,waxaana barlamaanka ay ka doodeen qodobo ka mid ah xeer hoosaadka.
Kulnka xildhibaanada barlamaanka maanta ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari iyo labadiisa ku xigeen oo labada dhinac ka kala fadhiyey.
Xubnaha Barlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay wadeen maalmihii ugu danbeeyay kulamo ay kaga doodayeen qaar ka mid ah xeer hoosaadka barlamaanka uu ku shaqeeyo,waxaana maanta ay meel mariyeen oo ay ansixiyeen ilaa iyo 11-qodob oo barlamaanka ku shaqeyn doona sanadaha soo socda.
Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa waxaa uu sheegay in wixii maanta ka bilowda ay ansax yihiinb xeer hoosaadka uu ku shaqeynayo Barlamaanka Soomaaliya,isagoona sheegay in barlamaanka uu sii guda gali doono howlaha kale ee u yaala.