Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta mar kale magaalada Muqdisho ay kulan ku yeelanayaan Xildhibaanada barlamaanka Soomaaliya.
Sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah Xoghaynada barlamaanka Soomaaliya waxaa maanta Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ay ka doodi doonaan qodobo ka mid ah Xeer hoosaadka barlamaanka Soomaaliya oo doodiisu horey u socotey.
Kulanka maanta ayaa waxaa shir gudoomin doona Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan jawaari iyo labadiisa ku xigeen,iyadoona dooda maanta aan la ogeyn waxaa ay kaga badelan tahay kuwii hore.
Kulankii shaley Barlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho gaar ahaana xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa uu ahaa mid wax go'aan ah laga gaarin,hase ahaatee midka maanta ayaa la rajeynayaa iney Barlamaanka Soomaaliya wax ka badelayaan qodobo ka mid ah xeer hoosaadka barlamaanka.