Beelaha Digil iyo Mirifle ee UK oo Sameystay Golle guurti iyo Guddin Sawirrow

Beelaha Digil iyo Mirifle ee UK oo Sameystay Golle guurti iyo Guddin  Sawirrow
Laga soo bilaabo horaantii sanadkii 2011 waxa ay dadka ka soo jeeda beelaha asal ahaan degga gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo iminkana deggan dalkan Boqortooyada midowday ee UK ku howlanaayeen sidii loo heli lahaa maamul ka wada dhexeeya oo u samafalka beelaha ka shaqeeya ka dib marka wixii isfaham la’aan aheyd ee dhexdooda ka jiray xal loo helo.
Waxaa bilowday in beelaha intii is xigtaba ama wada degtaba ay si gooni-gooni ah isku arkaan, hogaana u soo sameynstaan si ay xubnaha beelaha kale wadatashi ula yeeshaan.
Beelaha gooni-goonida u shirey ee hogaanna iska dhex doortay waxaa ka mid ahaa aftarta Boqol Hore ee Disow, Eemit, Qoomaal iyo Yalale; waxaa ku xigey  labada madoobe ee Eelay iyo Harrin, Bagadi, Geledi iyo Garre.
Ugu danbeytii waxaa iyada oo la kaashanayo xubo  ka tirsan beelaha Hadama, Luwai, Macalin Weyn, Leysaan, Asharaaf, Gasaara Gude ayey beesha boqol Hore soo jeedisey in la abaabulo kullan weyne oo beel walba oo Digil iyo Mirifle ka kooban ay ugu yaraan hal qof soo wakiilato si…
  1. loo dhiso Gollaha Odeyaasha  Beelaha Digil & Mirifle ee UK si qilaafaadka DM-ka UK sanooyinkii u dambeeyey loo xaliyo.
  2. la isugu keeno dhowrka qof ee Madaxweynayaasha gobollada Koonfur Galbeed sheeganaya ee Digil & Mirifle ka soo jeeda si wax meel la iskula dhigo.
  3. la doorto Gollaha Fulinta.
  4. la door guddoomiyaha & labo ku xigeen oo Gollaha Odeyaasha/Guurtida yeelato.
  5. waqtiga fog la doono dadka u wakiilada u kala ah beelaha aan Digil & Mirifle aheyn ee lixda gobol ee Koonfur Galbeed la isku yiraahdo (micnaha gobol weynihii Jubbada Sare ahaa, Bay, Gedo, Bakool iyo qeybo Jubada Dhexe ka mid ah, Gobol weynihii Jubadda Hoose ahaa (micnaha gobolkii Jubbada Hoose ahaa iyo qeybo Jubadda Dhexe mid ah) iyo Shabeellaha Hoose (micnaha inta Xamar koonfur ka xigta ee gobol weynihii Benaadir) ee UK deggan.
  6. si looga wada hadlo dhiirigelinta nabad ku wada noolaanshaha beelaha goboladaas wada dega iyo sidii, haddii ay doonaan, loogu taageeri lahaa in ay sameyntaan maamul goboleed/goboleedyo ay wadaagaan ayna dheefta dhulka iyo baddaba ugu qeybsadaan si nabad ah oo isticxgelin, isxaq dhowr iyo is wada wanaajin ku dhisan.
Wakiilada Afarta Boqol Hore, Hadama, Garre, Luwai, ayaa si toos ah uga codsadey wakiilada Leysaan, Harrin, Bagadi, Macalin Weyne in ay.
  1. isla doonaan dadka kullan weynaha 1aad ee beelaha Digil & Mirifle ka soo qeybgeli lahaa iyo.
  2. Meesha kullanka lagu qaban lahaa kullanka oo gudaha London ah.
Kulan Weynihii 1aad:
Shirkii u horeeyey waxa uu dhacey 03.03.2012, waxaana kasoo qeyb galay beelaha kala ah: Eelay, Luway, Hadame, Hariin, Gasar Gude, Bagedi, Gelidle, Gobaweyn, Jiroon, Asharaf, MalinWeyne, Eemit,Disow, Qoomaal, Jilible, Yantaar,Waanjaal, Jiido, Dabarre, Hubeer, Tuni, Reer Baraawe, Geledi iyo  Garre., kolkaas oo la magacaabay wakiildada kala ahaa:
  1. Mohamoud Ahmed Hassan
  2. Ibrahim Mohamed Isaaq
  3. Mohamed Abdulqadir Adan (Zope)
  4. Ali Hassan Osman
  5. Yusuf Mumin Maio iyo
  6. Mohamoud Hussein Ibrow
  7. Aweis Amin
Hawshooda waxa ay aheyd in ay:
  1. beelaha maqan ka doonaan wakiilo gollaha uga soo qeybgala
  2. dastuur qabyo qoraal ah diyaariyaan
  3. diyaaiyaan goobta kullanka xiga ee 17.03.2012 lagu qaban lahaa
 
Kulan weynihii 2aad:
Shirkii labaad waxa uu dhacey 17.03.2012 waxaa la kala direy wakiiladii shirkii 1aad lagu magacaabey maadaama ay hawshii loo wakiishey si wanaagsan u soo qabteen, waxaana la doortay Guddi Hawl-Fulin ku meel gaar ah ah oo ka kooban:
 
Magaca
Xilka
  1. Yusuf Mumin Maio
Guddomiyaha Hawl-Fulinta
  1. Mohamed Nur Sh Abdullahi
Guddoomiye ku Xigeenka 1aad iyo 
 
Arrimaha Siyaasada
  1. Ali Hassan Osman
Xoghayaha
  1. Osman Mohamed Hassan
Lacag-Hayaha
  1. Mustaf Sheikh Mohamed
Warfaafinta iyo macluumaadka
  1. Aba Sheikh Abuhudhir
Guddoomiye ku xigeenka 2aad
  1. Sheikh Adan Ali
Arrimaha Bulshada
  1. Mohamoud Hussein Ibrow
Xubin
  1. Ali Kusow (Ma joogin laakiin waa la magacaabay
Xubin
Hawshooda waxa ay aheyd in ay:
 
  1. beelaha maqan ka doonaan wakiilo gollaha uga soo qeybgala
  2. soo martiqaadaan keenaana xubnaha beesha ka tirsan ee Madaxweyninimada sheeganaya
  3. dastuur qabyo qoraal ah dib ugu laabtaan oo soo kaalilaan
  4. diyaariyaan goobta kullanka xiga ee 07.04.2012 lagu qaban lahaa
  5. in ay qabtaan hawshii ay Guddoonka Gollaha Guurida iyo/ama Gollaha Guurtida/Odeyaasha u wakiisho/wakiishaan.
Kulan weynihii 3aad:
Shirkii seddexaad waxa uu dhacey 07.04.2012 waxaana kasoo qeyb galay dhamaan beelihii yimid shirkii koowaad iyo labaad, waxaase shirkaan ku soo biiray Shanta Caleemood iyo Leysaan.
Waxaana la doortay Guddoomiyaha iyo labo Guddoomiye ku xigeeno ah oo uu Gollaha Guurtida/Odeyaasha Beelaha Digil & Mirifle ee UK oo dhan kuwaas oo ka kooban:
 
 
 
Magaca
Xilka
 
Abdullahi Moalin Abdi
Guddoomiye
 
Ugas Kassim Dinki Abdow
Guddomiye Ku Xigeenka 1aad
 
Mohamoud Ahmed Hassan (Dalab)
Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad
 
Hawshooda waxa ay aheyd in ay:
  1. In ay shir guddoomiyaan shirarka Gollaha Guurtida/Odeyaasha  ee guud iyo.
  2. In ay shir guddoonshaan shiraka ay la wada yeelanayaan Guddiga Hawl-Fulinta.
Waxaa la go’aamiyey in Hawlaha rasmiga ah ee Gollaha Guuritida/Odeyaasha, Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenada Gollaha Guurtida iyo Gollaha Guurtida naftiisa ay kala qabanayaan lagu soo kala qeexi doonaa dastuurka qabyo-qoraalka ah ee ay xubnaha labada guddi u soo bandhigi xubnaha Gollaha Guurtida oo dhan ka hor inta aan la isugu imaan kulan weynaha 4aad ee Gollaha Guuritada oo waqtigiisa la soo sheegi doono lana doonayo inuu ku meel-maro muddo ilaa 5 toddobaad ah gudahooda.  Xoghayaha Guddiga hawl-Fulinta ayaa xubnaha Gollaha wada xiriirin doona.
 
FIIRO GAAR AH:
 
Waxaa shirka lagu soo qaaday si koobanna looga hadlay:
  1. arrinta beryahan Dowlada Ku Meelgaalka ah ee Soomaaliya ku soo cusboonaatey oo ah dhinac uga dhaca awoodqeybsiga 4.5 ah iyo inay xubnaha dolwdaha beelaha Digil & Mirifle ugu jira inta badan loola dhaqmo si aan habooneyn oo aan la mid aheyn sida xubnaha beelaha kale ee 3-da ah ee Digil & Mirifle la siman loona dhaqmin sida Wasiirka Beeraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo la yiri Madaxaweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha shirqooley oo booskiisa keligood iyaga oo aan la tashan Gdoomiyaha Baarlamaanka  ama baarlmaankii ansixiyey sheegtayna in ay shaqadii ka fariisiyeen wasiirka.
  2. Taas waxaa ka horeeyey markii ay Xildhibaanada D&M dalbadeen in ciidamada Ethiopia loo daayo sugtaanka amaan gobollada koonfur galbeed, laga dabaqaatay oo Uganda iyo iwm baa la geynayaa.
  3. Taas waxaa ka horeysey Guddoomiyaha Baarlamaanka ee rasmiga ah, Sharif Xassan Sheikh Aadan xitaa la damcey in boostiika qiil-qiil la geliyo ka dib  markii la soo abaabuley shirqool lagu dhiirigelinayo “Guddoomiye kale” oo si isbar-baryaac ah dadka loogu jahawareeriyo.
Dowlada KMG ah iyadaaba waqtigeedu dhaanayaa ee yeysan ceeb iyo magac xumo dalka kala tagin oo madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyo xubnaha Baarlamaanka waqtigiisa dhamaanayo iyo beelahooda sharafta, qadarinta iyo ixtiraamka loo hayo mid la mid ah waa in laga helaa.