Dagaalsababay khasaarooyin kala duwan ayaa ka dhacay nawaaxiga degmada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoona dagaalku uu u dhexeeyay xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Dagaalkan oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen
degaano hoostaga Xudur, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal qaatay saacado badan.
Ilaa imika lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, haseyeeshee saraakiil katirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa guulo ka sheegtay dagaalka.