CIIDAMADA ITOOBIYA IYO KUWA DOWLADA OO DUULAAN KU QAADEY DIINSOOR..-02/12/2012

CIIDAMADA ITOOBIYA IYO KUWA DOWLADA OO DUULAAN KU QAADEY DIINSOOR..-02/12/2012
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Deegaano ka tirsan gobalka Bay ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaano ka tirsan Gobalkaasi ay ka jiraan xiisado dagaaleed oo u dhaxeeya ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Shabaab.
Xiisadan dagaal ee haatan kasoo cusboonaatey deegaano ka tirsan Gobalka Bay ayaa waxaa ay ka danbeysay kadib markii ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ka dhaqaadeen Magaalada Baydhabo,iyagoona aadey dhanka iyo deegaano gobalka ay ka joogaan Shabaab.
 
Ciidamada oo wata gadiidka dagaalka ayaa waxaa ay afka saareen Wadada ka baxda Magaaalada Baydhabo ee aada Degmada Diinsoor ee Gobalka Bay,halkaasi oo ay gacanta ku hayaan kooxda Shabaab ee Soomaaliya oo dowlada si aad uga soo horjeeda.
 
Duulaankan ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay ku qaadeen deegaanada Gobalka ay ka maamulaan kooxda shabaab ayaa waxaa ay ka danbeysay kadib markii dhowaan Wasiirka Gaashandhiga ee Xukuumada Soomaaliya uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay dalka sii joogayaan ilaa amar danbe.
 
Kooxdan shabaab ayaa waxaa ay ka joogtaa Gobalada Bay iyo Bakool meelo badan oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowlada Soomaaliya waxaana hada dagaal ay uga jiraan in shabaab laga saaro guud ahaanba deegaanada Gobalka.