CIIDAMADA SOOMAALILAND IYO KHAATUMO OO ISKU DHACAY.24/12/2012

 

Xili horey ay xiisado uga taagnaayen deegaano ka tirsan Gobalka Sool oo u dhaxeeyey ciidamada Maamulka Soomaaliland iyo Maamulka kale ee Khaatuma ayaa waxaa xaley dagaal kulul ka dhacey deegaano ka tirsan Gobalkaasi Sool.
Dagaalka ayaa dad deegaanka ah waxaa ay sheegayaan inuu yimid kadib markii ciidamo ka tirsan Maamulka Khaatuma ay weerar kusoo qaadeen Magaalada Xudun ee Gobalka Sool halkaasi oo la sheegay iney fariisamo ku leeyihiin ciidamada Maamulka Soomaaliland.
 
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada maamulka Soomaaliland oo la hadley warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in fariisamahoodii ay soo weerareen waxaa uu ugu yeerey Maleeshiyo hase ahaatee uu carabka ku dhiftey iney iska difaaceen islamarkaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiyeen dagaalka.
 
Inta la xaqiijiyey dhimashada ayaa lasoo sheegayaa iney ka badan tahay 5-ruux halka kuwo kale dhaawacyo soo gaarey,waxaana jira dad rayid ah oo qasaaro soo gaartey kuwaasi oo lagu daaweynayo xarumaha Caafimaadka ee magaalada Xudun,waxaana hada degan goobtii dagaalka uu ka dhacay.
 
Sargaalkan u hadley maamulka Soomaaliland waxaa kaloo uu sheegey iney qabteen tiro ka tirsan ciidamada Maamulka Khaatuma ee weerarka soo qaadey,iyadoona aaney jirin wax war ah oo kasoo baxay dhanka Khaatuma oo xaqiijinaya warkan kasoo baxay Soomaaliland.