ciidamadii Dowlada Federaalka ee dhowaan Tababarada ciidan kusoo dhameystey Iskoolka Buluzio ee Baydhabo ayaa waxay saaka u dhaqaaqeen dhinaca Degmada Diinsoor & Buurhakaba.
Ciidamadaan u dhaqaaqey Dhinaca Diinsoor ayaa waxaa horkacaya Gudoomiyaha Maamulka Gobolka BAay C/Fataax Maxamed Ibraahim Geesey halka kuwa Diinsoorna uu horkacayo Sarkaal kale oo kamid ah saraakiisha Deegaanka ee Ku Jiro Dowlada.
Ciidamadaan Udhaqaaqey Dhinacyada Buur & Diinsoor ayaan la ogeyn meelaha ay gaari doonaan iyo waqtiga ay gaarayaan Meelaha ay hiigsanayaan oo ah BUUR & DIINSOOR oo ay weli ku sugan yihiin Xarakada Shabaab.
Weli lama soo sheegen Goobta ay hada kusugan yihiin Ciidamadii Dhaqaaqey walow dhinacyada Buur & Diinsoorna laga soo sheegayo in Ciidamo badan & Gawaarida Dagaalka ay goor sii horeysey usoo dhaqaaqeen dhinaca ay ka soo socdaan Ciidamada Duulaanka ku ah Meelaha ay Shabaabku joogaan.
Ciidamada Baydhabo ka dhaqaaqey ayaa waxaa lagu daad gureeyey Gawaaridii Shacabka oo Xamuulka lagu daabuli jirey kuwaasoo habeenkii xalay ahaa la GIDHAASHEY , waxayna gawaaridaasi isugu jiraan UD, AVECO, 110, Tareeliyaal iyo kuwo kale oo badan.