Daawo ''Maxkamad ku taal Magaalada Amsterdam oo amar ku bixisay in qaxootiga Soomaalida oo teendhooyinka ka dhistey ay si dhaqso ah u faarjiyaan'' 29/11/2012

Maxkamad ku taal magaalada Amsterdam ee dalka Holland ayaa waxaa la sheegay inay amar ku bixisay in qaxootigii teendhooyinka ka dhistey magaaladaas ay si dhaqso ah u faarjiyaan goobtaas inta ka horeysaa maalinta Jimacada ee soo socoto hadii kale in xoog lagu bur burin doono teendhooyinkaas.
halkaan kadaawo qaxootiga soomaaLida

Qaxootigaan oo ay ku jiraan Soomaali badan iyo wadamo kale oo Afrikaan ah oo markii hore ku bilowday ilaa iyo 38 qofood oo iminka ay tiradoodu gaareysaa ilaa iyo 137 qofood ayaa waxaa la sheegay in laga soo bilaabo bishii Septembar ee sanadkaan ay degenaayeen teendhooyin ay iyagu ka sameysteen magaalada Amsterdam ka dib markii wax sharci ah looga diiday dalka Holland islamarkaana loo sheegay inay dib ugu noqdaan dalkooda, Laakiin qaxootigaan oo sheegaayo inaysan jirin waqtigaan xaadirka ah meel ay ku noqon karaan ayaa si cabasho ah u sameeystey teendhooyinkaas oo ayna ku sheegeen inaysan aqoon meel kale oo ay afka saaraan, Laakiin maxkamada ayaa waxay go'aamisay in qaxootigu nolosheedu ay qatar ku tahay goobtaas oo ayana ku soo weerareen kooxaha cunsuriyaasha, islamarkaana uu goobtaas caafimaaadkeedu uu liito, sidoo kalena ay dhib weyn ku qabaan dadka ku nool degeenkaas sidaas awgeedna uu duqa magaaladu awood u leeyahay inuu nadiifiyo goobtaas oo ka xaaqo kaamkaas ay ka sameysteen qaxootigaas, maxkamada oo iyadu indhaheeda ku soo aragtey xaalka ay ku nool yihiin qaxootigaas ayaa ku tilmaantey mid aan la aqbali karin inuu sii jiro amarna ku bixisay in la baabi'iyo gebi ahaanba kaamkaas inta ka horeysa maalinta Jimcada ah iyadoo cidii wixii ka dambeeya xilligaas loogu yimaada meeshaas xabsiga la dhigo doono laguna warejin doono booliiska qaabilsan dadka aajanabiga.

Ugu dambeyntiina iyadoo sida la sheegay Soomaalidii ku sugneyd goobtaas ay ka faa'iideysteen fursad uu siiyey qaxootigaas ku sugnaa goobtaas duqa magaalada Amsterdam ninka lagu magacaabo Eberhard Van der Laan oo ahayd in mudo hal bil ah la siiyo hooy iyo cunto ayaa Soomaalidaas ay halkaas isaga haluuleen, Laakiin waxaa jira wali qaxooti kala oo halkaas ku sugan iyadoona markii uu soo baxay amarka maxkamadu ay qaxootigaasi ay dhigaan banaanbax ay kaga soo horjeedaan arintaa, qaar ka mid ah qaxootigaas ayaa waxay sheegayaan in hal bil oo la qaabilo aysan waxba kordhineynin oo ay u baahan yihiin xal waqti dheer ah oo ay ula jeedaan in la siiyo sharci degenaasho ee dalkaas.

goofgaduud.com