Daawo Sawirada Islii oo lgaqaxayo iyo Police-ka Kenya oo eeya wata oo kala eryaya kenyaatiga Soomaalida ugaarsanaya 20/11/2012

Soomaalida kunool xaafada Islii ee magaalada Nirobi ee dalka Kenya ayaa bilaabay in ay u baxsadaan magaalooyinka kale ee Kenya kadib cabsi xooggan oo soo wajahday.

Kadib markii qarax xoogan lagula eegtay Gaariga looyaqaannno mataatuu gudaha Xaafada Soomaalidu ku badantahay ee Islii ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa bilaawday cara xoogan oo ka imaaneysa dadka kenyaanka ah oo Soomaalida ku eedeynaya in ay ka danbeeyaan weerarada lagu hoobanayo ee dalkaasi ka dhacaya.

Kenyaatiga ayaa Soomaalida beegsanaya iyaga oo baangado, faasas iyo dhagxaan ku gadaya taas oo keentay in Somaalidu ay cabsidii ugu darneed taariikhda ay kala kulanto Kenya.

Xasaaradu markii ay badatay ayaa waxaa arinta soo fara geliyay policeka Kenya oo isku dayaya in ay xaalada dejiyaan.

Soomaalida oo kafaa’iideysanaeysa policeka ayaa bilaabay in ay isaga hayaamaan Islii oo ay u barabaxaan xaafadaha kale ee caasimada iyo waliba 7-da gobal ee kale ee dalka Kenya.