Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool..30/11/2012

Dagaal Xoogan oo ka Dhacay Duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool..30/11/2012

Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab kaas oo ka dhashay qasaaro xoogan oo soo kala gaaray dhinacyadii wada dagaalamay.

Waxuu ka dhacay dagaalkaan xoogiisa duleedka degmada Xudur iyo degaano hoostaga Gobolka Bakool kaas oo socday dhoor saacadood islamarkaana la isku adeegsaday hubka culus iyo waliba kan fudud.

Dagaalkaan ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii ay weerar ku qaadeyn Ciidamada Dowlada Soomaaliya degaano ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.

Dhinaca kale waxa maanta kulan wada qaatay Maamulka Gobolka Bakool ee Dowlada Soomaaliya iyo waxgaradka iyo dhalinyarada ku dhaqan Degmada Xudur, kulanka intiisa badan looga hadlay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaanada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

Dagaalkaan maanta dhexmaray Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa waxuu imaanayaa xili ay Al-Shabaab ku sugan yihiin Degaano ka tirsan Gobolka Bakool.