Dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Bardaale, iyadoo Maamulka Gobolka Baay uu guulo ka sheegtay dagaalada.
Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fitaax Geeseey ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen shan ruux oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Shabaab, isla markaana ahaa weerar ay qaadeen ciidamadooda.
"Dagaalka waxaa ku dilnay shan rag oo uu ku jiro nin ka tirsanaa saraakiisha nabad diidka oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji, waxaa uu ka tirsanaa booliska Soomaaliyed, xilligii dowladii C/llaahi Yuusuf waxaa uu ahaa taliyaha booliska Bardaale"ayuu yiri C/fitaax Geeseey.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka, waxaana dagaalada ay ka dambeeyeen markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen duleedka Bardaale goob Al-Shabaab ku sugnaayeen.