Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo waliba kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu ka soconayaa deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib weerar ciidamada huwanta ay ku qaadeen degmada Qoryooleey iyo deegaanka Janaalle oo Al-shabaab ku xoogan yihiin waxaana taasi ay sababtay in iska caabin Shabaab sameeyaan.
Waxaa la sheegayaa in dagaalka uu socdo ilaa iyo haatan isla markaana ciidamada iskaashanaya ee AMISOM iyo dowlada ay doonayaan in ay deegaanadaasi Al-Shabaab ay ka saaraan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaaro kala duwan uu soo gaaray dhinacyada dagaalamaya waxaana rayidka la sheegay in labo qof ay dhinteen shan kalena ay ku dhaawacmeen rasaasta la isweydaarsanayo.
Dhinaca degmada Qoryooleey waxaa iyana lasoo sheegayaa in dagaalada si xoogan usocdaan iyadoo hakad saaka ku jiraan utacbo tagitaankii beeraha ay ku caan baxeen degmooyinkaasi.
Horay ayaa Al-Shabaab waxaa looga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobalada Soomaaliya, waxayna u muuqataa in haatan la sii wiiqayo awooda kooxdaan xiriirka la leh Al-Qaacida.