DEG DEG: NIN GOORDHOW LAGU DILAY GUDAHA SUUQA XOOLAHA M.BAYDHABO,27/11/2012

War haatan naga soo Gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay Ayaa sheegaya in goordhow lagu dilay Nin Dalaal ka Ahaa Suqa Xoolaha ee Magaalada Baydhabo

 
Dilka Ninkan Ayaa la sheegayaaa in ey ka danbeeyeen koox ku hubeysan hubka Fudud Waloow ey ka baxsadeen goobta markii ey falkan dilka ah geysteen,
 
Ma cadda sababta ka danbeysay dilka Ninkan iyo Cida sida Rasmiga ah ugu lugta leh waloow warar hoose ey sheegayaan nin ninka la dilay uu xiriir dhow la lahaa Maamulka Gobolka, Suuqa xoolahana uga soo iibin jiray Xoolaha Nool sidoo kale wuxuu xoolaha u gadi jirey baa la yiri ciidamada ajaaniibta ah ee Baydhabo kusugan.
 
Maalmihii la soo dhaafay maka dhicin magaalada Baydhabo falal dilka iyo waliba qaraxyadii ka dhici jiray Gudaha magaalada iyadoo xaaladuna ahey mid degan.
 
Ilaa iyo hada ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisa Ciidama Dowlada & Kuwa Nabad sugida ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
 
 
Ninkan La dilay ayaa Magaciisa Lagu soo koobay Kariye asigoona caan ka ahaa Suuqa ugu weyn ee kala iibsiga xoolaha nool iyo waliba gudaha Magaalada Baydhabo.