DEG DEG QARAX GOWDHOW KA DHACAY XAAFADA ISLII M.NAIROBI,05/12/2012

 

 
War goow dhow naga soo gaaray xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in qarax xoogan uu goordhow ka dhacay meel aan ka dheereyn garoonka diyaaradaha ciidamada cirka dalka Kenya.
 
Qaraxan oo lasoo sheegayo in loo adeegsaday Bambooyin ayaa ka dhacay meel aan ka dheereyn garoonka oo kuyaal xaafada ay Soomaalida kubadan tahay ee Islii gaar ahaan Section ONE.
 
 
Wariye Maaxiye oo katirsan Warqaad.com ayaa soo sheegaya in qasaaraha qaraxaas uusan ogaan karin, maadaama ay goobta isku soo gadaameen ciidamada kenya.
 
Hase ahaatee Wargayska Kenya kasoo baxa ee Nation ayaa dad goob joogayaal ah kasoo xigtay in qasaaraha la ogyahay uu yahay dhaawaca ilaa afar ruux.
 
Howlgalo balaaran ayaa ka soconaya xaafada Islii gaar ahaan Section One oo qaraxan uu goordhow oo caawa ah uu ka dhacay
 

 


Maak een gratis website Webnode