Wararka iminka naga soo gaaraya Degmada Jowhar oo goordhaw ay la wareegeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay wehliyaan kuwa AMISOM ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan laga maqlay xaafado kamid ah Magaaladaasi.
Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay ka kala dhaceen labo xaafad oo kamid ah Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe
Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Horseed ee Magaaladaasi kaasi oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay waxaana la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso
Shacabka Degmada Jowhar ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo ka cabsanaya qaraxayda caynkaas ah oo saameyn ku yeesha.
Qaraxa labaad ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar kaasi oo isna aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Qaraxa ka dhacay Xaafada Hantiwadaag ayaa la sheegay inuu ka dhacay Saldhiga Degmada Jowhar kaasi oo aan isna la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidanka Saldhiga ku sugan.
Saacado aan badnayn ayay Magaalada Jowhar ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaana durba laga maqlayaa Magaalada dhawaqa rasaas xoogan iyo qaraxyo.