Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa daqiiqado ka hor soo gaba gabeeyay khudbad uu uga hadlayay barnaamijka siyaasadeed ee Xukuumadiisa mudada ay howl galeyso.
Ra'iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen 10-ka xubnood ee Golihiisa wasiirada ayaa ka hadlay waxyaabaha ay qabanayso xukuumadiisa, waxaana uu ka hadlay siyaasada arrimaha dibada, ammaanka gudaha, maaliyada iyo arrimo kale.
Intaas kadib ayaa waxaa Xildhibaanada baarlamaanka loo qeybiyay nuqulada barnaamijka xukuumada, si ay uga doodeen, waxaana durba mudanayaasha qaar ay soo jeediyeen in Xukuumada isla maanta loo qaado codka kalsoonida.
Maanta ayaa waxaa soo xaadiray kulanka baarlaamka 225 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxaana xukuumada codka siiyay 219 Xildhibaan halka ay ka aamuseen Sadax-Xildhibaan sidoo kalena Sadax kale ay diideen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa daboolka ka qaaday in Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay Xukuumada cusub ee dalka Soomaaliya.