Falastiin ayaa loo oggolaaday korjoognimo...............30/11/2012

Falastiin ayaa loo oggolaaday korjoognimo...............30/11/2012

Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa aqlabiyad ugu codeeyay in Falastiin ay korjooge ka ahaato Qaramada Midoobay.

138 dal ayaa u codeeyay qaraarka loogu oggolaaday Falastiin doorka

 

9 dal ayaa diiday, halka 41 dal ay ka aamuseen.

Arrintan ayaa waxa ay u oggolaaneysaa Falastiin inay ku biiri karto hey'adaha Qaraada Midoobay.

Isagoo hadlayay codeynta ka hor, ayaa Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas waxa uu sheegay inuu weydiisanayo Qaramada Midoobay inay soo gudbiso shahaadadii dhalashada Falastiin.

Kadib markii qaraarkaasi la ansixiyay ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, uu sheegay inay hoosta ka xariiqeyso baahida in dib loogu laabto wada xaajood nabadeed oo macno leh.

Israaiil iyo Mareykanka oo iyagu ka soo horjeeday qaraarka ayaa sheegay in aanu waxba soo kordhin doonin, laakiin Mareykanka waxa uu ku baaqay in dib loo cusbooneysiiyo wada xaajoodka